Dowladda Gini Iyo Dalalka Galbeedka Afrika Oo Looga Digay Inay Aqoonsadaan Somaliland

0
43

July 7, 2019 (BRA-Hargeysa)-Senator Shehu Sani oo ka tirsan Barlamaanka Federalka ee dalka Nigeria waxa uu ka hor yimid Go’aankii ay Dowladda Gini ku aqoonsatay dalka Somaliland.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu ku muujiyey inay Dowladda Gini ama dal kasta oo ka tirsan Galbeedka Afrika ku khaldan yihiin Heshiis nooc kaasta ah oo ay ku aqoonsadaan Somaliland.

“Waxaa jirta oo keliya “Hal Somali, waana halka aynu taaganahay, isla markaana ku si inagaan doonta Isbedal la’aan” ayuu yidhi Senator Shehu Sani.

Senator Shehu Sani waxa uu u ololeeyaa Xuquuqda Rayidka, waana Siyaasi aaminsan Aragtida Midnimadda Guud ee Afrika ee Pan Africanism.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here