Waa Maxay Sababta Wasiirka Ka Tirsan Xukumadda Madaxweyne Biixi Uu Uga Cadhooday Su’aalaha Laga Waydiiyay Heshiiskii Khaatumo?

0
67

Wasiirka Dastuurka Somaliland Maxamed X. Aadan Cilmi ayay ku adkaadeen su’aalo ku saabsan heshiiskii dhexmaray Cali Khaliif Galaydh oo Khaatumo metelaya iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Wasiirka ayaa si weyn uga gaws adaygay in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo halka uu ku dambeeyay heshiisku iyo in Dastuurka loo furayo dalabaadkii Dr Cali Khaliif.

Wasiirka oo cadho badan ka muuqatay markii su’aalo is xigxiga oo arrintan ku saabsan la waydiiyay ayaa isku qaaday dhalliilo ka dhan ah wariyaha iyo dastuurka Soomaaliya kadibna kamarada iskaga hor kacay.

Waxay u muuqata in aanu wasiirku xog badan ka hayn qorshaha madaxweyne Biixi ee ku aaddan wada hadalladii Somaliland iyo Khaatumo oo in muddo ah taagna.

Halkan hoose ka DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here