“Umaddii Dhamayd Ee New UCID Saw Kuwii Kulmiyoobay Ee Heshiiska La Galay Maanta Xaalkoodu Ma Uf Baa La Idin Yidhi Baa?” Siyaasi Cali Guray

0
96

February 13, 2019 (BRA-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu sheegay in waxbaa looga ogolay xisbiga KULMIYE garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen ee New UCID, waxaanu sheegay in aan qof kaliya looga ogolaan shirka golaha dhex ee xisbiga KULMIYE.

Siyaasi Cali Guray ayaa waxa kale oo sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu xukuumaddiisa cidna kaga soo darin garabkoodii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen.

INSHA ALLAH KHAYR

Umaddii dhamayd ee New UCID saw kuwii Kulmiyoobay ee heshiiska la galay KULMIYE Maanta xaalkoodu ma uf baa la idin yidhi baa? waxan maqlayay xataa goobjooge loogama ogolaanin madasha Kulmiye eh qof shaqo ka helay xukuumadda Kulmiye-na waxan ogahay hal qof oo keliya. Qaar baa aniga ila soo xidhiidha oo marka waxaan ugu jawaabo garan waayo ku idhaa INSHA ALLAH KHAYR.

Dad baa u haysta xisbiyadu inay yihiin sadex laakiin maaha waa guri keliya oo sadex qol ah. Qolkii aad ka joogtaba saw gurigii uun maaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here