Golaha Guurtida Oo Maalinta Bari Ah Dib Ugu Dhigay Kulan Maanta Lagaga Arrinsanayay Dib U Dhaca Doorashooyinka Iyo Jawigii Saaka Oo Buuq Ku Soo Dhammaaday

0
324

Kulan ay maanta sabti ah lahaayeen xildhibaannada golaha guurtida Somaliland oo lagaga arrinsanayay muddo kordhin loo samaynayo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa dib loo dhigay.

Shir-guddoonka golaha guurtida ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in kulankaasi dib loogu dhigay maalinta bari ah, lama sheegin sababta keentay in dib loo dhigo kulankaasi.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu dhawaan golaha guurtida u gudbiyay warqad uu ku farayo inay waajibkooda dastuuriga ah ka gutaan muddo kordhin loo sameeyo xildhibaannada golleyaasha wakiillada iyo deegaanka dalka.

Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa ku heshiiyay in bisha November ee sannadkan ay dhacdo doorashada Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland.

Waxa kale oo ay ku heshiiyeen in guddida Doorashooyinka ee hadda joogaa ay qabtaan doorashada.

Xisbiga WADDANI ayaa la filayaa in uu maanta ka hadlo mawqifkiisa ku aadan dib u dhaca doorashooyinka.

Halkan hoose ka DAAWO jawigii saaka ee golaha guurtida iyo qaabka wax u dhaceen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here