Xog: Sababta Ay Xukumada Farmaajo U Joojisay Bixinta Baasaaboor Soomaaliga

0
70

Dadweynaha Soomaaliyeed ee Qaadanaya Boosaboorka Soomaaliga ah ayaa waxaa wali heysta xayiraad dhinaca helidda Baasaboorka ah.

Dadweynaha horay u dalbaday Baasaboorka ayaa muddo laba bilood ku dhow waxaa ay la’yihiin Baasabooraddii ay dalbadeen.

Qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalin waliba la ballamiyo haddana aan loo sheegin sababta uu hakadka ugu jiro baasaboorka lacagaha looga qaatay.

Dadka ka cabanaya Baasaboor la’aanta ayaa sheegaya in ay Bukaanno uga jiraan Cibsitaallada una rabaan Isbitaallo dibadda ah,kuna adag tahay in ay helaan Baasaboorkooda.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xayiray Baasaboorka, waxaana ilo-wareedyo la hadlay Warbaahinta ay sheegeen in uu jiro muran u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo sharikadda sameysa Baasaboorka Soomaaliya.

Xogta ay heshay Warbaahintu waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay ka wareegto sharikadda sameysa Baasaboorrada, sharikadduna ay lacag ku leedahay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here