Somaliland: Xisbiyada dadka ladan u doodda

0
14

Xisbiyadeenu inta badan waxay isku haystaan waa danno siyaasadeed iyo doorashooyin, waxaanay illaaween danyartii iyo dabaqadii hooseysay dadkii ku noolaa ee nolosha la baaxaad degaysay xaqoodii.
Xisbiyaddu markay murmayaan ama wax isku diidayaaan waxa kaliya ee ay isku khilaafaan waa arrimo siyaasadeed iyo doorashooyin, waxaana doorashooyinkaasi faa’iido ugu jirtaa waa dadka ladan, marka lagu murmayo doorashaddu yaanay wakhtigaasi dhaafin waxa loo doodaya nin ladan oo doonayo inuu madax noqdo oo xildhibaan ama wax ka sareeya hiigsanaya.
Waxaynu maqalnaa xisbiyada oo isku haysta dib udhac doorasho iyo iyagoo isku jawaabay mucaarad iyo muxaafid. Wali maad aragtay xisbi u doodaya danyarta oo garab taagan maalinta codka laga doonayo mooyee.
Waxay ahayd inay Xisbiyadu ku tartamaan u doodista dadka codka laga rabo si ay uga ciil baxaan kii wax ba u qaban waayey ee doorkii hore ay doorteen, waayo dadkeenu maalinba nin bay doortaan oo markay dantooda ka dhex arki waayaan ayey nin kale tijaabiyaan oo cusub iyagoo niyadda galinaya bilooy kani dhaama kii hore, siday maalin walba kan baa dhaami kii hore u leeyihiin bay nolosha ku dhamaystaan, iyaguna kama daalaan inay codeeyaan, kuwo la doortayna ma gudaan abaalkooda dadkii qoraxda u taagnaa.
Maanta xisbiga kumiye toddobadii sanno ee hore iyo sanadkan dambe-ba mar walba cashuurtay kordhiyaan, dadka uu culaysku fuulaana waa danyarta waayo ninka ganacsadaha ahi waxba kama galin waxa la saaraba dadku sii saaraayaa, waxay ahayd in xisbiyada mucaaradku u doodaan oo ka hadlaan oo yidhaahdaan suuragal maaha oo dadku ma awoodi karaan, kalmadaasi danyarta wax weyn bay u tahay.
Xukuumadda jirta iyadu waxay ku faantaa uun miisaaniyadaan kor u qaadnay, la isma waydiiyo ma wax soo saar baa samaysay oo dibada loo dhoofiyey, waayo miisaaniyadu waxay kordhi karta marka wax soo saarka dalka kor loo qaado, balse cashuur kuma kordhi karto, hadii miisaaniyada korodho waa in dadkana wax usoo kordhaan, hadii ay kala bataan labadaasi waxa dulman danyarta cashuurta aanay awoodin la saaray.
Sanadkii u dambeeyey wax badan baa la kordhiyey oo xiitaa haamihii Gaasta ee la isla lahaa dhuxusha ha lagaga raysto ayaa cashuur lagu kordhiyey, deegaankiina waynu ka cabanaynaa nabaad guur, gaastiina waa la sii kordhinaya, mar kale waxa la kordhiyey naaftadii oo nolosha oo dhami ku tiirsanayd, haday tahay laydh, haday tahay gaadiidka waaweyn iyo Basasba danyartu raacaan mid walba wax baa ku kordhi doona, naaftaduna hadii wax yar ku kordho waxay saamaysaa bulshadda oo dhan.
Gaadiidkii soo dagayey baa cashuurtiisii la kordhiyey, numbarkii lagu xidhayey baa la kordhiyey, isku bedelkii numbarka cusub baa la kordhiyey, biyihii baa la kordhiyey, wax walba waa la kordhiyey, meel kasta oo aad eegto tin iyo cidhib wax baa lagu kordhiyey, dadkiina dakhligoodu hoos buu u sii socdaa oo intaas oo meheradood baa kacday, hadii xukuumaddu u danayn wayday dadkeedii waxay ahayd in xisbiyada mucaaradku kaalintoodda qaataan oo u doodaan oo ay qayliyaan, waayo maalinta xun ninka kuu hiiliyey baad adna u hiilin doontaa, shacabka cidii u hiilisa ee la dareen noqota uun bay codka siiyaan oo maalintooda ku aarsadaan.
Dhinaca kale, maalin dhowayd guryaha dawladda la diwaangalinayey si kiro looga qaado, dabaqada sare haday tahay ganacsato iyo haday tahay dad masuuliyiin ahaan jirey-ba, kuwaasi si fudud bay waraaqo lahaansho u samaysteen una dhalan gadiyeen dhismayaashii dawladdu lahaan jirtay.
Ganacsatada iyo inta ladani si fudud bay u heli karaan waxay rabaan ugana soo dhamaysan karaan dawlada wixii laga rabo, balse cida dulman waa danyarta, dadkaasi danyarta ahi ee guryaha dawladda mudada dheer ku jiray ee aan awoodin inay madaxda sare la kulmaan ama waraaq lahaansho samaystan Karin waa kuwo la diwaangashaday ee kirada la waydiinayo.
Taasi miyeyna cadaalada ka fogeyn, cadaalada iyo sinaantu waxay noqonaysa in qof kasta oo guri dawladeed ku jira in kiro laga qaado.
Cadaalada waxa inoo sheegtay diinteena oo ilaahay sida uu dadka u simay waxa markhaati inoo ah in saf la wada gallo marka la tukanayo hadaad taajir tahay, hadaad madaxweyne tahay iyo hadaad danyare tahay, ilaahay hortiisa waad u siman tihiin, ta labaad markaad dhimato darajo kasta lahow naxash danyarta lagu qaado uun baa adna lagugu qaadayaa ka dibna xabaashaasi uun baa lagu dhex dhigaya, si ka duwan sida masaakiinta loo aaso laguma aasayo, la odhan maayo kani madax buu ahaaye isaga guri dahab ah ama quraarad aynu ku ridno la odhan maayo ee sida loo aaso dadkaasi danyarta ah uun baa lagu aasayaa,taasina waxay inoo qeexaysa sinaanta iyo cadaalada waxay tahay.
Mid waxaan leeyahay xukuumada, markaad talaabo qaadaysaan dadka danyarta ah hoos u fiiriya, xisbiyada mucaaradkana waxaan leeyahay waar u hadla oo danyarta u hiiliya oo culays kasta oo la saaro la qaybsada.
BY:Barkhad-ladiif M. Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here