Buugga: Miyiga Ilaa Madaxtooyada. Faallo. Q..1aad (WQ: Cali Cabdi Coomay).

0
54

Buugani wuxuu bulshada reer Soomaalilaan dhexdeeda ka dhaliyey doodo, faallooyin, cadho, qaylo iyo hadal-hayn badan. Malahayga aragtiyo siyasaadeed oo qoraha buugga lagula dagaalamayo ayaa qayb ka ahaa arrimahaasi. Buugu wuxuu ka kooban yahay 20 cutub oo ku fadhiya 354 bog. Magaca iyo muuqa buugu waa mid soo jiidasho leh oo farshaxnnimo ka muuqato, waxa se su’aalo taallaa waxa taswiirta qoraha ee wejiga buugga lagala doonay astaanta qaranka. Ma gidaarka ayey ku taalay oo markii la taswiirayey ayey ku dhacday mise si badheedh ah ayaa loogu talogalay? Mooyi.

Hawl kasta oo la qabtaa waxa ay leedahay dhaliil iyo wanaag is-barkan. Dhaliisha iyo wanaagga buugani leeyahay ayaan aragtidayda farta idiin saari doonaa, aniga oo ka duulaya hadalkii uu hogaamiye Xirsi Cali X. Xasan warbaahinta ka sheegay, ee ahaa in buugga ay qalinleydu ka faallooto, isaga oo sida fiinta uga qayliyey faallooyin iyo gorfeymo ay ku sameeyeen buugga dad siyaasadeeyey. Mar kasta oo la miisaamayo dhaliisha iyo wanaagga shay leeyahay waxa loo eegayaa dhanka uu miisaanku u dhaco. Haddii wanaagga bato shaygaasi wanaag ayaa loo nisbeeyaa, haddii se dhaliishu badato xumaan ayaa loo nisbeeyaa.

Faallada aan buugn MIYIGA ILAA MADAXTOOYADA ka bixinayaa waxa ay noqon doontaa inta suurtagal mid dhexdhexaad ah oo daaha ka rogaysa meelaha mudan bogaadinta iyo meelaha mudan in farta lagu fiiqo ee boogtu fadhido ee sixitaanka u baahan. Murti ayaa odhanaysa ‘XOGTA TOOGO, XOGSIDAHA SE HA TOOGAN’. Waxa se ceeb ah in aan marnba waxba laga sheegin shakhsiyada qoraha oo keliya lagu koobnaado qoraalka. Kala fikir duwanaanshuhu wuxuu keenaa hababka xaqiiqada looga gun-gaadho iyo inuu qof kastaa ka kale wax ka korodhsado. Anigu sidaan buugan u fahmay ayaa laga yaabaa inaad si ka duwan u fahantid. Waana halka ay faa’iidadu ku jirto.

Faallada Buugga

Faallada aan buugan ka bixinayaa waxa aan u qaybiyey shan qaybood oo ku salaysan cutubyada buugu ka kooban yahay:

Wakhtiyadii gumeystayaashu dalka joogeen ilaa xornimadii
Wakhtiyadii kadeedkii kacaankii Afweyne iyo burburkiisii
Dib-ula-soo noqoshadii Soomaalilaan
Waayihii nolosha Xirsi Cali Xaaji
Ku-biiristiisii siyaasadda
Wakhtiyadii Gumeystayaasha ilaa xornimadii

Qoraha buugu wuxuu si weyn ugu amaanan yahay siduu isaga xilsaaray xarfaha afsoomaaliga gaar ahaan xarfaha libinlaabma oo meel kasta la ilaaliyey oon lagu gefin. Cutubka koowaad ee buugga wuxuu qoruhu ciwaan uga dhigay’ HESHIISKII, ILAALINTII SOMALILAND IYO HAGARDAAMADII GUMEYSITAHA’. Cutubkani sida ka muuqata waa taariikh, taariikhduna waa waxa la wada leeyahay oo mudan in aad loogu fiirsado sugnaanteed iyo tixraaceeda. Cutubani wuxuu ka kooban yahay 8 bog, waxaanu si guud mar ah oo boodbood ah uga warramayaa taariikh facweyn oo soo martay dhulka Soomaalilaan. Nasiib darro se qoruhu wuxuu gef weyn ka galay inuu soo badhigo tixraacyo sugan oo uu inala wadaago. Bal hadda dhugo qoraalkan

”1839: Boqortooyadii Ingiriisku waxay qabsatay magaalada Cadan ee Dalka Yemen oo ku taalla Badda Cas kana soo horjeedda Berbera, taas oo muhiim u ahayd ganacsigii Boqortooyada Ingiriiska ee u kala gooshayey Yurub iyo Bariga Fog. Dabadeed waxay dawladdii Ingiriisku bilowday inay dadka Somaliland ka iibsadaan hilibka xoolaha. Sidaa ayuu ku bilaabmay xidhiidhkii ganacsi ee ugu horreeyey ee dhex mara Boqortooyadii Ingiriiska iyo dadkii reer Somaliland ee ku noolaa xeebaha Berbera, Seylac Illaa Laasqoray”.

1870: Dawladdii Masar waxay qabsatay magaalooyinka xeebaha Somaliland ee Berbera, Bulaxaar iyo Seylac, maadaama ay ka cabsi ka qabtay Quwadihii iyo dhaqdhaqaaqyadii milatari ee reer Yurub oo ku soo badanayey Badda Cas iyo Gobolka Geeska Afrika.

1877: Boqortooyadii Ingiriisku iyada oo si weyn uga dheregsan muhimadda uu lahaa ganacsiga hilibka ee ay la lahayd dadkii reer Somaliland isla markaana ka warwareegaysa inay dagaal la gasho Masar, waxay Masar la sexeexatay heshiis ujeedaddiisu ahayd in Masar loo aqoonsado inay ku sugnaato oo ay masuul ka noqoto magaalooyinka Xeebaha Somaliland. Dabadeedna waxa bilaabmay heshiis ku dhisan wadashaqayn iyo isxaqdhowr oo sheegaya Dawladdii Ingiriiska iyo Masar in uu midkoodba Badda Cas dhinac ka fadhiyo.

Hadaba waa yaabe taariikhdan bilaa bixraaca ah Xirsi halkuu ka soo xigtay, ileyn goobjooge muu ahayne, yuu u sheegayaa, ma carruur mise bulsho ka kooban aqoonyahan ilaa waayo-arag? Waa su’aalaha mudan inuu dib u eego qoruhu. Bogga 2aad wuxuu qoruhu inagula wadaagay aasaaskii British Somaliland iyo heshiisyadii la kala saxeexday ilaa wakhtigii Sayidka, hasayeeshee sidii hore oo kale wax tixraac ah oo sugan muu sheegin oo aan ka ahayn hadal badan oo la dudubiyey. Bogga 3aad badhtanka waraaqadda wuxuu qoruhu xil iska saaray tixraac oo meel ayuu ku tiiriyey waanu mudan yahay inuu farta inoo saaray wuxu cuskaday waxaanu qoray

‘Sida ay qortay 30|Jully|2012 jariidadda caanka ah ee ka soo baxda waddanka Sucuudiga Al Xayaat, “mudo 120 sannadood ka hor, waxaa dadka Soomaalidu u soo diri jireen Sadaqadda ama Sekooyinkooda dadka Sucuudiga” taas oo daliil u ah in ay dadka Soomaalida, gaar ahaan Somaliland oo macaamil la lahaa dadyawga khaliijka ay xaga dhaqaalaaha ka fiicnaayeen Sucuudiga iyo waddamada khaliijka ee maanta aadka u ladan. Sida uu sheegay Andrew Hamilton oo ka mid ahaa madaxdii xukumaysey Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland, wuxuu ku tilmaamay inay ummadda Somaliland yihiin dad “Dabeecad ahaan u Dhashay Ganacsiga”. Xirfaddaa iyo farsamadaa ganacsi ee ummadda Somaliland ay dhaqanka soo jireenka ah u lahaayeen, ee ay xitaa hawl-wadeennadii Ingiriisku ka marag-kaceen bilowgii qarnigii 20-aad, ayaa saldhig u ahaa ilbaxnimadii, dhoofkii iyo ganacsiga illaa hadda soo taxan’. (Bogga 1aad).

Sidoo kale bogga 4aad qaybtiisa sare ayuu tixraac ka muuqdaa. Markaad u timaado bogga 5aad ee cutuban waxa xagga sare ku qoran hadal noocan ah ‘ sida laga soo xigan karo qoraalladii iyo warbixnnadii xafiiskii Boqortooyadii Ingiriiska u qaabilsanayd arrimaha British Somaliland’. Qoraalkani waa hadal jaban, ‘laga soo xigan karo’, macno ma samaynayso adigu maxaad soo xigtay, noo sheeg waxaad soo xigtay?. Laakiin muu sheegin. Bogga 6aad iyo Labada bog ee ugu dambeeya cutubkan ee kala ah bogga 7aad iyo 8aad ayaa si fiican uga soo baxay masuuliyadii tixraaca, waxaanay wataan tixraac meel loo cuskaday.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

La soco…………………………….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here