Dhalashadii Iftiinka (WQ: Saddaam Xuseen Carab).

0
74

Markii aad ifka timid, iftiin, hanuun iyo ilbaxnimo uumiyuhu u aayey ayaa aad la timid. Ka hor se Cabdillaahi waxa uu ahaa inan uu jecelyahay Cabdulmuddalib. Aamina Bint Wahab ayaa uu guursaday Cabdillaahi oo ay iscalmadeen. Nasiib darro se toddoba bilood guurkooda ka dib ayuu Cabdillaahi geeriyooday. Se ugxantii Cabdillaahi ayaa ku hakatay caloosha Aamina lana falgashay middeedii si noole uga abuurmo. Noolihii ugu dheeraadka iyo saamaynta badan ee dunida soo maray.

Maka ayey dhacdooyinkaasi ka dhacayaan. Isla sannadkaas boqorkii Xabashida oo la odhan jiray Abraha ee fadhiigiisu ahaa markaa Yaman, ayaa dagaal abaabulay. Dagaal salkiisu ahaa duminta guriga Kabcada ee carab oo dhami ku mashquuleen una aadaan cibaadada, taas oo uu arkay in ay liidnimo ku tahay sharafta boqornimadiisa. Carabtu may lahayn habdhis dawladnimo iyo ciidamo abaabulan oo aan ka ahayn odayaasha reeraha u taliya iyo innamadooda ay isku adeegsadaan. Dagaal uu maroodiyo u adeegsaday ayuu ka soo abuubalay Yaman oo ku soo jiheeyay Maka si ay dhulka ula simaan kabcada. Waa sidii qorshihiisu ahaa. Ma ay suurto galin se oo Ilaaha kabcada leh ayaa ilaashaday kuna salliday ciidaankaa shimbiro dhuxulo dab ah oo dusha ka rusheeyay. Dagaalkaasi halkaas ha ku baaqdo’e, waxa sidoo kale taariikhda uu ku galay in loogu magac daro gu’gii maroodiyada. Isla gu’gaas ayaa ugxantii uurka Aamina gashay noqotay wiil aabbihii dhintay bilo ka hor oo ifka yimid.

Cabdulmuddalib oo wiilka agoonnimada ku dhashay awoow u ahaa ayaa qaaday masuuliyadda cunugga. Maalintaas waxa uu ahaa ilmahaasi mid ka mid ah wiilasha Carabi tirsato oo lagu xisaabtamo. Nolosha tolkiisa uu ka dhashay waxa ay ahayd mid aad u liidatay dhinacyo kala geddisan. Haddii labnimadiisa laga bilaabo, waxa ay ahaayeen kuwo nafaha dheddig u yaqaan wax liita. Nolosha ayey ku aasi jireen talo iyo arrin kale ha dambeeyeen. Kuwa aanay aasin ee nool, in ay u galmoodaan wax ka wayn ma ay waydiin jirin. Waa la isku caayi jiray dhalidda ilmaha dheddig. Waayo dhaqanka carbeed mid aad u hooseeya ayuu ahaa oo badow ah.

Carabi ma aanay lahayd nidaam dhaqaale oo hagaagsan. Waxa ay lahayd habka dhaqaalaha qofka wax haystaa sii taajiro midka faqiirka ahina marwalba uu sii khasaaro. Ganacsigooda oo idilina xagaagii oo ay Shaam aadaan iyo Jiilaalkii oo ay Yaman tagaan buu ka dhex lahaa. Ma jirin nidaam dawladnimo iyo sharci aan ka kaynta ahayn oo ka jiray. Sharciga kii awood leh baa taliya. Haybsooca aan meel uu ka bilaabmaa jirin sida aanu maal ugu dhammaan ayaa caan ahaa. Madaw nacaybka iyo addoonsigu aad buu caan uga ahaa dhexdooda. Khamri cabku aad buu ugu badnaa bulsho ahaan. Waxa addoomo u ahaayeen dhagxaan iyo timir la shaxameeyay. Waayo dhaqanka carbeed mid aad u hooseeya ayuu ahaa.

Gabayga iyo suugaanta ayaa ahaa aqoonta iyo hubka ugu culus ee ay isu adeegsadaan carabtii waagaasi. Gabayadaas waxa ay u adeegsan jireen in ay isku caayaan, isku ammaanaan, iyo marar badan colaadaha dhexdooda ku huriyaan. Ma aanay lahayn xadaarada ka baxsan aaggooda oo ay ugu tallaabaan ama u tebiyaan dhulalkii iyo talisyadii jiray. Qabiillo wada yaal oo wada col ah oo tookh, jahli, is gumeyn iyo wax la halmaala u nool ayaa ay ahaayeen. Waayo dhaqanka carbeed mid aad u hooseeya ayuu ahaa.

Maalintaas uu dhashay wiilka agoonka ahi lama filayn wixii uu la yimid. Ilmahaas lama ogayn in Maxamed loo bixin doono. Carab oo dhami ma filayn in uu Nebi noqon doono. In uu dunida oo dhan keeni doono farriin Ilaahii uunka lahaa ka timid oo isaga loo soo dhiibay. In uu noqon doono iftiin koone walba oo dunida uu gaadhi doono lama malaysan.

Carabi ma ay filayn in magaca ‘Carab’ uu geyn doono duni baaxad weyn wiilkaas uu awoowgii korsanayey. Runtii ma ahayn arrin meesha la soo dhigtay in nin madow oo addoon ahi noqon doono xor sharaf ku ag leh wiil carbeed agtiisa. Ma ay ahayn wax la isweydiin karayey dumar nolosha lagu aasi jiray in ay talo ummadeed jaangooyn karaan carab dhexdeed. Ma ahayn wax la filayey in nidaam dhaqaale oo u dan ah cid walba uu sameyn doono wiilkaas agoonka ah ee carbeed. Ma ay filayn Carabi in wiil iyaga ka mid ahi saameyn iyo jihayn ku yeelan doono Xijaas iska dhaaf duni kala’e Roomaanka iyo Beershiyaanka lehe. Habeenna kuma ay seexannin wiil carab ah ayaa wiil addoon ah ka dooran wiil kale oo carab ah sababnaba. Meelna may soo dhigan in nidaam dawladeed oo kala dambayn aan isir ku dhisnayn iyo hoggaamiye wayn uu noqonayo ilmahaasi. Ma se ay ogayn cidda dhalatay in aanay ahayn ‘Wiil carab ah oo agoon ah’ ee uu yahay ergay Ilaahay khalqigiisa ka doortay in uu maalintaas ku dhex dhashay Maka. Ma ay ogayn in uu yahay nebi nolosha dunida saameyn weyn ku yeelan doona oo aan ahayn carab jaahil ah.

Dhalashadii Nabi Maxamed naxariis Alle iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa ay ahayd bilawgii nolosha, iftiinka iyo ilbaxnimada farriintii uu Rabbigii ka siday ee ku astaysnayd “Islaam”. Waxa ay ahayd maalin uu nabiga (NNKA) aynu jecelnahay, ee rajeynayno la kulankiisa aakhiro uu ifka yimid. Maalin wayn bay ahayd oo noole wayni ifka yimid.

Xabiibi yaa rasuulallaahi, Calayka salaatullahi, Yaa khayru khalqillaahi yaa Maxammad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here