Eritrea Cuno Qabateyntii Hubka Waa Laga Qaaday Iyadoo Dhul Iyo Maxaabiisba Ka Haysata Jabuuti, Waxaana Suurogaliyey Dadaalkii Itoobiya Ka Gashay

0
51

Abiy Ahmed wuxuu gacanta midig ku haystaa walaalkii Isaias Afwerki oo dhaqan iyo dadnimaba wadaagaan, halka Farmaajana uu cidlo kaga tagay walaalkii Geelle oo dhaqan iyo dadnimaba wadaagaan.

Abiy Ahmed wuxu ilaalinayaa rabitaanka walaalihii Eritrea, maadaama oo Jabuuti is hayaan waxa uu la safan yahay Eritrea, halka ay ahayd Farmaajo inuu qaato go’aan ah inuu jabuuti ku soo dara xulafadda saddexda dal ee laba walaalaha yihiin amba la safto walaalkii Geelle, mar hadii Abiy-ba wato walaalkii Afwerki.

Geelle laba arrimood darteed baa xulufada loogu soo dari waayey: ta kowaad waa siyaasi ruug cadaaya oo inamo ka yaryari aanay siyaasada ku khaldi Karin, arrimahanna aanay isku fahmi karin, ta labaad mar hadii ay Eritrea iyo Jabuuti is hayaan, Eritrea ma ogola Jabuuti inay isku saf ka soo wada jeestaan, waxaanay Itoobiya tixgalinaysaa rabitaanka Eritrea, sidaas baana loo casuumayn.

Farmaajo wuxuu dareensan yahay in cuno qabateyn lagu waddo Jabuuti laakiin waa laga awood batay oo dhexday gashadeen, go’aan iyaga ka hor imanaya inuu qaato wuu ka cabsoonaya, raalina kuma ahaa sidan wax u socdaan, taas waxa cadayn u ah sawirada laga soo qaadayo murugo badan baa ka muuqda, xiitaa dhoolacadeyn iyo furfurnaan kama muuqdaan, taasi waxay muujinasaa in labadan hogaamiye hawlaha ay wataan aanu ku qanacsanayn , balse si is muquunin ku jirto oo uu xabsi ku jiro ayuu u dhaqmayaa.

Nasiib wanaag ujeedada uu lahaa qaybtii kowaad wuu gaadhay Itoobiya iyo Eritrea, mar hadii maantaba laga qaaday cuno qabateyntii hubka oo muddo sagaal sanadood saarnayd.
Arrinta Itoobiya waxa weeyi anigu walaalkey baan wataa balse adigu walaalka tuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here