Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Si Ba’an u Dhaliilay Madaxwayne Farmaajo, Maamul Goboleedyadana Taageeray.

0
357

Haddii ciidanka, dakhliga, garsoorka iyo shaqaalaha rayadka ay gobollada dalka ku kala firirsan yihiin. Haddii inta badan amniga dalka uu ku tiirsan yahay 22-kun oo askar shisheeye ah; kuwaas oo aan toos kaaga amar qaadan, iyaguna aan kala amar qaadan ee caasimadaha dalalkooda toos uga amar qaata. Haddii lagaa rabo in aad Al-Shabaab meel saarto oo aad isku duubni, awood ciidan, fikir diineed, falsafad siyaasadeed iyo aragti qaran ku maquuniso ama kula heshiiso; taasina ay kaaga baahan tahay dadaal, dood, hadal deeqsiin iyo dad soo jiidasho leh.

Haddii dastuurka dalkaagu qabyo yahay, doorasho qof iyo cod ah in aad qabato lagaa rabo. Haddii aysan misaaniyadda dalkaaga dhammayn xafiiska xeer ilaaliyaha dawladda deriskaaga ah ee Kenya.

Haddii aad marqaati ka tahay heshiis nin (Salva Kiir) labo sano ka hor sidaan oo kale buur fuulay; laakiin waaqaca uu ku qasbay in uu dhulka u soo dego oo ninkii (Riek Machar ) ay is hayeen la heshiiyo.

Haddii adigoo intaasoo idil og aad buur dheer saarantahay oo markii aad hoos u eegto intii talada kula lahayd kula yaryaradaan , iyaguna markii ay kor kuu eegaan adigoo buurta dhaladeeda saaran wax yar aad la tahay. Tolow waa su’aale sideed xal ku gaari kartaa? mise kolkii aad soo xiiqdo ayaad mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen “haddaan soo xasilay na oran doontaa”??

Cabdiraxmaan Cabdishakuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here