Siddee Ayaa Loo Diley Weriyihii Sucuudiga Ahaa Jamal Khashoggi

0
432

Warbixino laga sameeyey kamaradihii ammaanka ee ku xidhnaa madaarka, huteelada, dhismayaasha u dhow Qunsuliyada Sucuudiga iyo Guriga Qunsuliyada ayaa waxa laga sameeyey warbixino naxdin badan oo aan u soo ururiyey sidan:

• Laba diyaaradood oo kuwa gaarka loo leeyahay ah ayaa soo gaadhay dalka Turkiga laba waqti oo kala duwan.

• Diyaarada kowaad waxay dalka Turkiga timmi kowdii habeennimo oo ku beegan 01/10/2018 , oo ku beegneyd maalin ka hor dilkii wariye Jamal Khashoggi, waxay siday toddoba qof, Waxay degeen huteel lagu magacaabo Wyand Grande Hotel.

• Diyaarada labaad waxay dalka Turkiga soo gaadhay 3: 26: 5 subaxnimo waxa la socday 9 qof oo lagu soo qaaday saddex gaadhi oo kuwa dublaaasiyiinta ah.
• 3: 37 daqiiqo ayey ka bexeen madaarka.

• Waxay hudheelka gaadheen 4: 29 daqiiqo subaxnimo iyaga oo degey huteel lagu magaaco Muvempick hutel.

• Saacadu markay ahayd 9:40 subaxnimo iyo 9: 55 daqiiqo ayaa lix ka mid ah toddobadii qof ee diyaarada dambe la socday ka soo bexeen huteelka iyaga oo saddex saddex u socda.

• 2 gaadhi oo kuwa dublaasiyiinta ah oo ka mid ah kuwii markii hore ka soo qaaday madaarka ayaa soo kala gaadhsiiyey xarunta qunsuliyada Sucuudigu ku leeyahay Turkiga saacadu markay ahayd 12: 12 daqiiqo iyo 12:14 daqiiqo.

• Waxay kamaradaha ammaanku sawireen Jamal Khashoggi oo geleya Qunsuliyada 1:14:35 ilbidhiqsi.

• Hal saac iyo 54 daqiiqo ka dib ayaa la arkay laba gaadhi oo ka soo baxaya geydhka qunsuliyada oo midba jiho u dhaqaaqay

• Hadanna waxay iskugu yimaadeen labadii gaadhi guriga uu degen yahay Qunsulka Sucuudigu oo mid ka mid ah labadii gaadhi uu gudaha deyrka galay oo ah ka loo malaynayo inuu siday meydka wariyaha, Saacaduna waxay ahayd 3:07 daqiiqo.

• 5:33 daqiiqo ayaa lagu hor arkayey gabadhii Jamal oo kolba dhinac u socota oo indho indheynaysa inuuu soo baxay iyo in kale.

• Raggii dilay ninka wariyaha ah iyaga oo laba qaybood kala ah ayey ka dhoofeen Turkiga qaar ka mid ah waxay bexeen afartii galabnimo qaar kalena waaxay bexeen 7:57 daqiiqo.
• Labada diyaaradood ee ay kala raaceen mid ka ah waxay u duushay magaalada Qahira halka ta kalena ay u duushay Abu Dubai.

• Wargeyska Washington Post ayaa daabacay hadaladii ugu horeeyey ee dhex maray wariyaha iyo Qunsulka Sucuudiga oo weydiinayey maxaa ku daba dhigay Amiir Maxamed Bin salmaan.

• Dabadeed waxa bilaabay dagaal iyo iska cabin, wuxuu wargeysku sheegay in laba nin oo kale hadalka ku soo biireen dabadeed dagaal u sii xoogeystay wariyuhuna uu codsaday gargaar laakiin sunta suuxdinta loo adeegsaday codkiisuna si aayar aayr ah uu isku taagay dabadeed dil lagu sameeyey.

• Wargeysku wuxuu sheegay inuu xidhnaa wariyhuhu saacada Apple ee casriga ah oo dhammaan hadalkiisa u gudbinaysay telefoonkiisa gacanta ee xaaskiisu haysay.

wargeyska the Guardian ayaa daabacay sagaal saacadood ka hor in warbaahin waaweyn oo ay ka mid yihiin CNN, CNBC, FINANCIAL TIMES, warbaahin kale iyo BAANKA ADDUUNKUBA ay qaadeceen inay ka qayb galaan shirka weyn ee maalingelinta Sucuudiga ee ku salaysan qorshaha 2030 ee u doonayo inuu Maxamed Bin Salaan ka hirgeliyo dalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here