Midowga Afrika Oo Ammaanay Tallaabo Ugub Ah Oo Itoobiya Ku Dhawaaqday

0
243

October 13, 2018 (BRA-Hargeysa)-Midowga Afrika (AU) ayaa ku ammaanay Dowladda Itoobiya tallaabada ay ku fasaxday in dalkeeda ay bilaa fiise ku geli karaan dhammaan muwaadiniinta u dhashay dalalka Afrika.

Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika Muuse Faki Mahamat ,ayaa soo dhaweeyey go’aanka dowladda Itoobiya ku bilowday in Afrikaanku ay ku iman karaan dalkeeda fiise la’aan, waxaanu dalalka kale ee xubnaha ka ah midowga Afrika ugu baaqay inay fududeeyaan shuruucda ku wajahan socdaalka dadka Afrikaanka ah oo ay ku daydaan tallaabada Itoobiya.

Guddoomiyaha AU-du wuxuu balanqaaday inuu ka shaqeynayo sidii dadka Afrikaanka ahi ay si xor ah ugu wareegi lahaayeen Afrika oo dhan, iyadoo aan la weydiinayn dal-ku-gal.

Madaxa midowga Afrika ayaa xusay in bishii Janawari ee sannadkan la gaadhay heshiis dhigaya inay dalalka afrika yeeshaan is-dhexgal dhaqaale iyo ganacsi, hindisahaasi oo suurtogelinaya in qof kasta oo afrikaan ahi uu ganacsi ka bilaabi karo waddanka uu doono ee qaaradda ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here