Tahriibayaashu Dunida oo Dhan ayay Dhib ku Hayaan Safarka Cabdi-welina Kama Duwana

0
359

Maamulaha Puntland ayaa dhawaan magaalada Badhan ee dalka Somaliland isku soo sawiray. Waa markii tobnaad ee maamulka Somalia ee wadda madaxweynayaasha ahi talaabaddan qaado. Waxaana kan ka yara horeeyay oo dhibaato uga dhalatay socdaal uu Wasiir maamul-kaas ka tirsani isla magaaladan ku tagay.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa saluugay sababta xukuummaddu jawaab adag uga bixin weyday arrintan danbe.. hase ahaatee, qallinku arragtidaas ma qabo. Sababta inta aynaan gelinna aan xigto qoraal Dr. Cabdulfitah Nuur Axmed (Ashkir) kaga qasaaray maamulka Somalia oo uu kaga waaninaya gabi dhaca siyaasadeed, ayaa waxaa uu soo qaatay “Turkiga iyo Prof Axmed Daa’uud Oglow oo ah aqoonyahan cilmiga siyaasadda ku takhasusay- waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ninka dhidhibada u aasay siyaasadda arimaha dibadda ee jamhuuriyadda Turkiga. Waxaana siyaasadda arrimaha dibadda Turkiga hage iyo tusaale u noqday, buuggiisii la magac baxay Istaraajiyadda fog ee Turkiga, iyo doorka Turkiga ee siyaasada adduunka (Strategic depth of Turkey, Turkey’s position in international politics) oo ah, buug raad lama filaan ah ku reebay dunida oo dhan, afar qodob buuna diiradda saaray oo kala ah:

  1. b) Strategic depth (isteraatijiyadda fog): Taasi oo uu ula jeeday in Turkiya leedahay mudnaan istaraatiijiyadeed; taas oo dunida kale ku qasbanyihiin in ay ku ixtiraamaan, kana faa’iideeystaan, in ay ka faa’iidaysato dunidadana uga faa’iidayso meesha istiraatiijiga ah ee eebbahay ku galaday.
  2. t) Soft Power (Awoodda kasbashada iyo saameynta): Waa aragti aan is leeyahay Prof Axmed Daa’uud Oglow in uu ka soo maan-guuriyay Joseph NYE oo ah: Bare Jaamacadaha Mareynkanka wax ka dhiga, arragtidaas wuxuu Joseph soo saaray, uuna bilaabay, suuq geeyayna sannadkii 1990, ula jeedadeeduna ahayd: in raad lagu reebo shucuubta dunida soo kobcaya. Oglowna faah faahin dheeraad ah ayuu ku sameeyay aragtidaas.
  3. j) Zeroing problems (ka gun’gaadhka saldhiga dhibaatada): Waa aragti uu Prof:Axmed Daa’uud Oglow buugiisa aad ugu sharraxay, yoolkeeduna waa in xidhiidhka arimaha dibadda jamhuuriyadda Turkiya laga fogeeyo colaad oo dhan, dhammaana dowladaha xidhiidh wanaag lagu dhiso.”

Somalia arragtidaas ma fahmayso, kummana dhaqanto. Laakiin, Somaliland, waxaa ay u qaadatay arragtidan si toos ah, waxaana kaaga marag ah, inay waddamada Jaarka iyo dunnida oo dhan kulla dhaqanto wanaag oo ay intii karraan ah iska fogeyso collaad oo dhan. Wanaaggaasi iyo ka foggaanta in Qorri caaraddii xalka lagu raadiyo waa mid ka mid ah sababaha ay talaabo addag uga qaadi weyday iyadda oo awoodda oo kummanaan ciidan ah oo heeggan ah ku dhaqaajin karrta ee dunnida ugu bandhigtay dhaqanka Somalia ee gardaradda ku dhisan wadda jirna ugu tilmaantay mucaarad iyo muxaafidba (Shirkii lagu canbaareeyay socdaalka Cabdiweli Gaas ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Labada Guddoomiye Xisbi mucaarad ka hadleen.}

Ta labaad Somaliland qof meel dalkeedda ka mid ah hannaan tahriib iyo dhuumasho ah ku soo gallay wax ba jiritaankeedda umma dhimayo oo dunnida oo dhan ayaa Tahriibayaasha ka qaylinaysa, bal eegg midowga Yurub waxaa shir ka socda la xidhiidha Muhaajiriinta iyo Tahriibayaasha kaga qulqulaya waddamada Afrika ee Talyaaniga sii maraya iyo kuwa waddamada Carbeed ka tagaya ee Turkiga ka gudbaya. Bal daawo Madaxweynaha Maraykanka Donld Trump maalin walba waa uu ka hadlayaa Tahriibayaasha kagga immanaya Maksico, waxaana uu gaadhay inuu u olloleeyo giddaar uu dhismihiisa ka bilaabay xuduudka uu la waddaago dalkiisu waddanka ku xigga ee Maksiko. Markaa, Somaliland weli go’aankaas ka dhanka ah Tahriibayaasha dhuumashadda dalkeedda ku soo gala weli giddaar cullus kama ay dhisan. Laakiin, dunnida waa ay la qabtaa canbaareynta. Haddii aad odhan doonto dalka ayuu kugu haystaa oo isku mid maaha qof qaxooti ama magangelyo doon ah iyo siyaasi dalkaagga sheeganayaa.

Qallinku waxaa uu caddaynayaa inay ku kala duwan yihiin kali ah mid inta uu dalka soo gallayo ayuu dawladda jirta isku soo dhiibayaa, halka kan kale inta uu soo gallo degdeg u dhaafayo, sababtoo ah waa uu ku neggaan lahaa Badhan Cabdi Weli Gaas iyo Wasiirkii Farmaajo ee hortii degdega u galay ugana baxay oo talladdooda ayaa ka shaqeyn lahayd. Laakiin, xaalkooddu waa Tahriiba rabba in aan dalalkan uu sii marayo lagu qabanne sharci darro ku dhexmarro oo dabadeed u dhaafo dalkii uu u socday.

Ta kale, waxaa la yidhi Islaan baa beri lagu dhibi jiray Foosha, maalintii danbe ayay foollatay, hableheedii mid ka mid ah ayaa walaalaheedii la joogay la soo hadashay oo weydiisay hooyo Xaallkeedda, tii islaanta dul-joogtay ayaa waxaa ay tidhi.,”Hooyo haddeer Ilaahay mar kale waa kala keenay, laakiin, Inta Aabo joogo Hooyaddeen waan u baqayaa.” Immika, dawladdnimadii Somalia waa ku dhiban tahay oo xattaa iyadoo dunnida oo dhami iskugu tagtay oo sodon kun oo Askari oo illaaliya waxaa loo sameynayo la siiyay oo laan walba magac ahaan loo dhisay haddana xaalkoodu waa iska sidii hore. Markaa, Qallinku waxaa uu kulla tallinayaa Somalia inay ka waantoobaan Somaliland dagaalkeedda iyo fara-gelinta joogtada ah ee ay ku hayaan haddii kale waan u baqayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here