“Somaliland Waxaannu Ka Helnay Nabad Gelyo Aanu Dalkayaga Ka Waynay…” Xubno Ka Mid Ah Barakacayaasha Reer Yemen Ee Ku Sugan Hargeysa

0
337

September 15, 2018 (BRA-Hargeysa)-Masuuliyiinta iyo xubno ka mid ah baro kaca yaasha reer Yamaneed ee ku sugan Somaliland ayaa si mug leh, uga mahad sheegtay shacabka iyo xukuumadda Somaliland iyo sida dalka loogu soo dhaweeyay, oo ay ku tilmaameen mid ka marag furaysa dhaqanka wanaagsan ee ummadnimo.

Wargeyska Dawan, hawl-wadeenno ka tirsan ayaa xog-waraysiyo ay ugu kuur galayaan nolosha qaxootiga reer Yamaneed ee u soo qaxay Somaliland ku jiray bishii aynu ka soo gudubnay oo dhan. Waraysiyaddaas oo aanu la yeelanay in ku dhow 20 ruux oo kala duwan, da’a haan, xirfad ahaan iyo heerarka ay nolosha kaga jiraanba. Muddadii aanu hawshan ku gudo-jirnay ayaa waxa dadka aanu la kullannay ka mid ahaa, Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Yaman ee Somaliland Xamad Xamuud Cabdalle Al Dumaini, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan aad uga mahad naqayaa sida wanaagsan ee Somaliland la noogu soo dhaweeyay, dhaqan wanaaga ummadnimo ee Islaamnimada ah, waxay na tuseen dareen walaaltinimo oo qalbiga ah, waxay noola dhaqmeen sidii dad ehelkoodii u yimi, oo nagamay dhigin qaxooti iyo barakaca yaal, la dhibaateeyo.

Waxaan u mahad naqayaa madaxweynaha Somaliland, xukuumadda iyo shacabka oo si wayn noo gar gaaray, na xurmeeyay, wax walba noo qabtay, waxaanu Somaliland ka helnay nabad galyadii aanu waddan kayaga ka waynay, waxaanu ku noolahay xorriyad iyo tix gelin walaalnimo, wanaaga la noo sameeyay waa mid aanan erayo ku cabiri Karin ee qalbiga ah.”

Saam Maxamed Al Jabari: Waa 22-jir ka shaqeeya hudheelka Baytul Yemen oo ku yaalla degmada Ibraahim Kood Buur ee magaalada Hargeysa, wiilkan aadka u da’da yarri waxaa uu ka soo baro kacay magaalada Ticis, ka dib markii dagaalo qadhaadhi ay ka dhaceen.

Saam ayaa noo sheegay in ka hor intaanu iman Somaliland loo diiday dalka Sucuudi Arabiya oo qoyskooda qaxooti ahaan xilligan ku joogaan, balse isaga sababo awgeed looga reebay loona diiday inuu galo.

Laakiin Somaliland loo oggolaaday oo uu si xorriyad ah ugu nool yahay, sida uu tilmaamayna kaga xorriyad wanaagsan yahay, xubnihii kale ee qoyskooda ee u qaxay dalka Sucuudi Arabiya, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato badan ku qabaan dhulkii barakaysnaa ee ay magan galeen sida uu ka warramay.

Saam Maxamed Al Jabiri waxa uu ka warramay qaabkii uu Somaliland ugu soo hayaamay iyo wixii uu kala kulmay, “Waxaan ka soo baro kacay magaalada Ticis, waxaan Somaliland go’aansaday inaan imaado, markii dawladda Sucuudigu ii diiday inaan qoyskayga la midoobo oo aan dalkooda galo, waxay ii sheegeen inaan 18-jir ka waynahay oo aan la i siinayn dal ku galka Sucuudiga, dhibaato badan ayaan ka mutay waxaanan ugu danbayntii u soo hayaamay Somaliland.”

“Markii aan ka soo degnay magaalada Berbera xukuumadda Somaliland waxay noo qaabileen si wanaagsan oo bani’aadamino ku dheehan tahay, waxa hore lanaga siiyay waraaqihii aqoonsiga qaxootinnimo, ka dibna waxaan imi magaalada Hargeysa, muddo labo sanno ah ayaan joogaa, wanaag iyo nabad ayaan ku noolahay, maanaan arag wax i dhibaateeya.” ayuu yidhi Saam Maxamed Al Jabiri.

Mas’al Cabdi Raxmaan, waa ganacsade meherad ku haysta badhtamaha magaalada Hargeysa, kaas oo sida uu noo sheegay ka soo guuray jamhuuriyada Jabuuti, ka dib markii uu is kaashi ganacsi la sameeyay muwaadiniin reer Somaliland.

Mas’al waxa kale oo uu noo sheegay inuu dib uga soo laabtay dalka Shiinaha isna diiday dal ku gal dalka Sucuudiga looga soo saaray, ka dib markii uu jeclaystay nabad galyada iyo dhaqanka wanaagsan ee reer Somaliland.

“Waxaan hore ugu soo baro kacay dalka Jabuuti, ka dibna waxaan la soo xidhiidhay Somaliland oo aan dad qaraabo ah ku leeyahay, markii aan Hargeysa soo gaadhay, waxaan aad uga helay nabad galyada iyo dhaqanka wanaagsan ee shacabka, ka dibna waxaan go’aansaday inaan halkan u soo guuro, si carruur taydu aanay iiga dhaqan guurin, waa dad Islaam-nimadu ka dhab tahay oo qalbigooda diintu degtay, ma arkaysid dumar qaaqaawan iyo dad daroogaysan, carruur taydii Quraan xafid bay wada noqdeen, waayo? Waxay la tartamayaan ardayda reer Somaliland ee kitaabka Alle Xafid san.”

Mas’al oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Waxaan diiday dal ku gal, (fiise) la iiga soo diray dalka Sucuudiga, xitaa Shiinaha dib ayaan uga soo noqday, mar walba waan u soo xiisoodaa Hargeysa, jacaylka aan u qaadayna waa mid xad dhaaf ah, cid kasta oo aan arko waxaan uga warramaa Hargeysa iyo Somaliland nabadda, nolosha iyo dhaqanka wanaagsan ee ka jira, mar walbana waxaanu ugu duceeyaa in Alle (SW) ugu sii wado.”

Cumar Cali Ahmed waa 24-jir ka soo baro kacay dalka Yemen, wakhtigana ka shaqeeya maqaaxida Yemen Al Saciid ee xaafada Jigjiga yar, wiilkan dhalinyarada ah ayaa noo sheegay in qoyskoodii wali ku sugan yihiin dalka Yemen, mushqaayada uu ka helo shaqada hudheel kana uu ku taakuleeyo.

“Waxaan ka soo baro kacay Yemen, waxaan soo gaadhay Somaliland, anigoo kaligay ah oo aanay qoyskaygii ila socon, kumaan dhibaatoon, xukuumad iyo shacab ba waa la i gacan qabtay, waxaan helay nabad, xorriyad iyo shaqo, waxaan caawiyaa qoyskayagii oo wali ku dhex go’doon san dagaalada dalka Yemen, mar walba waan u duceeya shacabka Somaliland waxaan Illaahay uga baryaa inay wanaag iyo barwaaqo ku waaraan, waa dad wanaaggu qalbiga ka yahay oo daacad ah, mar walba na soo dhaweeya oo sida ehelka noola dhaqma.”

Waa ay badnaayeen, Yemeniyiinta aanu waraysannay, waxaana ay isku raaceen in aanay arag xataa wax dhaqan ahaan ay ku kala duwan yihiin reer Somaliland oo ay la yaabaan. Carqalad ay dhib ku mutaan iyo tacaddi. “Xataa dadka reer Somaliland, marmarka aanu xagga luuqada isku yara fahmi weyno, waxaa ay isku dayaan oo waqti galiyaan in aanu is af-garrano. Waa dad gobannimaddu lafta kaga jirto oo aan iska yeel-yeelayn.” Ayuu yidhi mid ka mid ahi.

Qaxootiga ku suggan Somaliland ee ka soo barakacay dalka Yemen, dagaaladda culus ee sannaddihii ugu danbeeyay ka socda awgii, ayaa lagu qiyaasaa Lix illaa Shan kun oo ruux sida ay tilmaameen hay’adda Qaxootiga Somaliland iyo Qaramada midoobay ba. Waxaana dadkaasi u badan yihiin oo ay deggan yihiin magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here