Cabasho Iyo Been-Abuur Puntland Waa Camaladeedda! Faallo Cumar M. Faarax

0
349

Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo itaalkoodii siyaasadeed iyo maamul soo ururayo ayaa miciinsanaya inay been iyo indho-sarcaad ku maaweeliyaan ummaddooda oo saluugsan nabadgelyo darrada iyo caqabadaha siyaasadeed ee soo wajahay maamulkooda oo go’doon gelay muddadii uu hoggaaminayey Cabdiweli Cali Gaas oo loo dhegooleeyey beenta uu ku xajiimaynayo Somaliland.

Waxa qalabka Warbaahinta macruuf ka noqday Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ku caano maalay inuu laxanka saaray sheeko baralleydii wax ka soo qaadka yeelan wayday, sidaas darteed, waxa Puntland xeeladoodii u beddeleen inay ku faafiyaan dacaayado fulaynimo saxaafadooda maxaliga ah, gaar ahaan shabakadda Horseed Media oo indhowaale isku beddeshay “Caroogga” xambaara “Riyo maalmeedka Cabdiweli Gaas.”

Salaasadii shalay waxa Shabakadaasi daabacday qoraal aan runta caaro ku lahayn oo iftiiminaya saska iyo walaahowga ku gedaaman Garoowe oo qarka u saaran inay ku hagaasto gacanta Cabdiweli Gaas oo isaga talo kaga ururtay inuu qiil u raadiyo dib u dhac uu kaga galgasho doorashada muddaysan inay Puntland ka qabsoonto 8da January 2019ka oo ay u badan tahay in lagaga adkaado codbixinta doorashada baarlamaanka maamul-goboleedkaasi ku xulayaan madaxweynahooda cusub.

Horseed Media waxay baahisay in Puntland ay ku soo wajahan yihiin dagaalo ay ku doodeen inay wadajir ugu soo qaadayaan Somaliland iyo kooxda Al-shabaab, arrintaasi oo ka dhigan inay la shir yimaadeen filim hore loo daawaday.

Somaliland waxay ka mid tahay dowladaha mandaqada ee safka hore ka galay dirirta budhcad baddeeda iyo kooxaha xagjirka ah oo labaduba ka jira Soomaaliya, iyadoo Puntland ka mid tahay degaannada ay ka qadhaabtaan isla markaana ku jiridaysteen labada kooxoodba.

Dadka axadha siyaasadda Gobolku waxay u arkaan in Puntland cagta saartay marxalad u eg “meherad sii kacaysa” oo kale.

Maamulka Garoowe wuxuu ka quustay dagaalkii uu ugu bu’ayey Somaliland, maadaama oo uu sida xunbada u gudhay damacoodii dhul-boobka ahaa oo ay arkeen in aanu u meel maraynin wakhti xaadirkan, maadaama oo Somaliland uu ka dhammaaday dulqaadkii ay u lahayd qardoofooyinka Garoowe oo ka dhigan“Hasha Geella Cunta ee haddana Cabaada”

Ugu dambayn, waxa daandaansiga Puntland ina xasuusinayaa tix ku jirtay maansadii Kala-maan ee Abwaan Maxamed Warsame (Hadraawi) oo ay ku jirtay:

“Naftu way ka maagtaa

Godka lagu maquunshoo

Maaray ka dhigtaa

Inay maahda caal waa

Meermeerka badisoo

Marmarsiiyo keento”

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here