Xinjir Buu Xididnimo Ku Doorsaday! W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
131

Xilliyadii uu kacaamay ee uu gaadhay siddeed iyo toban jir ayaa la qabtay shir weyn, oo ay fadhiyaan rag markaas mudakar ahaa. Ujeeddaduna waxa ay ahayd sidii loo qorshayn lahaa habkii iyo ciddii u soo aargudi lahayd aabbihii oo lagu dilay colaad ka dhacday Hargeysa. Waxa la yidhi “Colaaddi hadda way dhammaatay, nabaddina dhacday, dawladdii Ingiriisna waa tan oo way joogtaa, aabbahaana laga samri maayo, waa in loogu soo aaro, oo loo dilo ninkaas ay ilma-abtiga ahaayeen. Wiilkan waxa wakhtigaa ka weynaa hal wiil oo ay walaalo yihiin, laba wiilna waa ay ka yaraayeen, guud ahaanna waxay ahaayeen afar wiil oo walaalo ah oo isaguna uu ku jiro.

Waxaa la isku daray isaga iyo laba wiil oo kale. Saddexdoodaas ayaa loo tabaabusheeyay in ay soo dilaan nin lagu tuhmayay inuu aabbihii dilay. Qoryo ayay qaateen, reerkiina waxay gaadheen goor casar ah oo gaaban. Odaygi wuu gartay wiilashii, waanu salaaamay, waayo isaga iyo wiilka aabbihii waa ilma-abti labaad, waxase la damacsan yahay in la isugu aaro.

Wiilka la diray waxa uu ahaa ninka hubku u cabbaysan yahay ee la doonayo in uu dilka geysto, qorigana xabbadu ugu jirto. Labada inan ee kalena waa u garboob, oo isaga ayay garab siinayaan. Waana caawiyeyaal ku barbar taagan fulinta qorshaha ay u socdaan, looguna talo-galay in ay u gargaaraan haddii xaajadu adkaato.

Waxay u baqooleen hawlgalkii loo diray. Jidka wax ay sii lugeeyaanba waxa ay gaadheen baradii uu qoysku deggenaa, oo ahayd miyi dhinaca bari ka xigtaBanka Xarshin. Odaygina wiilashii ayuu fadhiisiyay. Kolkii la is-toyday ayay sheegeen cidda ay yihiin, waanu gartay. Wiilashii waxa loo loogay, laguna sooryeeyay wan. Amintii la weydiiyay aashooda iyo hawsha ay doonayeen, waxa ay u sheegeen in ay geel-doon yihiin oo ay raadinayaan halo cararay. Iyada oon weli inamadii martida ahaa wankii loo qalay loo keenin, darmadiina loo dhigay, dabna loo shiday, ayaa waxa soo daatay roob.

Wiilashii la socday waxa ay roobkii ka galeen aqal laba-deryaale ah oo u dhisnaa qoyska marti-geliyay, xabbadiina waxay wali ugu jirtaa qoryaha. Inkasta oo aqalka ay galeen uu guri weyn ahaa, waxa uu soo daayay darroorintii roobka. Waayo xilligaas shiraaqyo iyo baco may jirin. Waxa loo soo qaaday Harga-waalli, laga samayn jiray Hargaha weylaha oo la isku tolay, oo laga iibsan jiray dhinaca Galbeedka.

Hargawaallidii waxa dusha laga saaray labadii wiil ee inanka wehelinayay. Isagiina waxa uu korka ka saaray Masalle cusub oo reerku lahaa. Sababta loo dedayna waxa ay ahayd in aanay darroorintu wiilasha kaga dhicin maryaha, kolkii roobki in door ah da’yayay ayaa adhigii loo sii daayay si ay roobka uga soo cabbaan, dumarkina haamihii ayay la yaaceen si ay u soo dhaamiyaan, maxaa yeelay xilligaas may jirin barkado biyaha lagu keydiyaa.

Markii ay hawshu halkaas marayso ayay wiilashii kale yidhaahdeen “Dee waa goortii aynu Cismaan xabbada la eegan lahayn, ee aynu qudha ka jari lahayn”. Wiilkina waxa uu ugu jawaabay “Waar qoryaha xabbada ka bixiya (xabbada ka saara), waar ma ninka darroorin inoo quudhi waayay ayaynu xabbad u quudhnaa? Haddiiba se aan imaka dilo, Aabbahay ma helayaa, oo dib aabbahay adduunka ma u imanaya? Ninkan rixin baanu nahay, waalid buu ii yahay, wixii dhacayna qaddar bay ahaayeen, aabbahayna Alle ha ka dhaafee dagaal buu ku jiray, aniga oo nool aniguna wax ma weydiinayo. cid kalena wax ma weydiin karto. Waar ninkan isagaan Aabbo ka dhiganayaa’e qoryaha xabbada ka bixiya”.

Markii uu weedhaas yidhi ee uu wiilashii la socday u sheegay in ay qoryaha xabbada ka saaraan, dilkii loo socdayna aanay fulin, ayaa waxa hadlay wiilkii u weynaa labada wiil ee la socday. Waxaanu yidhi “Wallee anigu nacasnimadaada sidaas waan kaa filaayay”, oo uu macnaheedu yahay waan kaa filayay in aad u aar goyn weydo Aabbahaa. Wiilkii kale ayaa se markiiba isaguna bixiyay jawaab kale oo yidhi “Wallaahi isaga ayaa inagaga jooga ee qoryaha xabbadda ka bixiya, kuwa inna soo dirayna rag may ahayn, innaguna maynaan dhaamin, ee isaga ayaa inagaga jooga (inaga saxsan) ee qoryaha xabbada ka bixiya”.

Markiiba qoryaha waxay ka saareen xabbadihii ku jiray ee ay ugu talo-galsanaayeen in ay dilka ku fuliyaan. Geelii ayay reerkii la waraabiyeen oo ay la xareeyeen, markii ay dhammaatay hawshii waraabinta iyo xaraynta xooluhu, waxa ay wiilashii ku laabteen darmadii loo dhigay. Waxa loo keenay wankii loo qalay, wixii Alle uga calfay ayay wankii ka cuneen, ka-dibna waa ay seexdeen.

Waagii ayaa beryay, wiilashina way bariisteen, berigaas lama aqoonin shaahan hadda arooryada hore la cabbo, ee waxa wiilashii loo keenay caano geel oo la soo lisay, xoorkuna duulayo, caanihii ayay dhameen. Markii geeli kala dareeray ayuu wiilki u tegay odaygii la rabay in uu dilo. Wuxuu ku yidhi “Awoow kolkii hore waxaanu u soconay in aanu ku dilno, qoryaha xabbadahaa noogu jiray, kolkaad darroorintii noo quudhi wayday, ayaan anna xabbadii kuu quudhi waayay, imakana waxaan isu rogay in aan inan kaa guursado, oo aad inan i siiso, oo aad Aabbe ii noqoto”. Markii uu wiilku hadalkaas ka dhawaajiyay, odaygi wuu argagaxay oo wuu naxay, qof la yidhi dilkaaga ayaa loo socdayna waa la dareemi karaa sida uu u naxayo. Odaygi madaxa ayuu u salaaxay, waanu dhunkaday wiilkii, waxaanu yidhi “Waan ku siiyay inantii, oo inantaas yar ee hadda naaska laga daayay ayaan ku siiyay”.

Inanta la siiyay waa gabadh markaas yarayd, da’deeduna waxay dhawayd laba gu’. Wuxuu yidhi “Waxaanu doonaynnaa inan ah aqalkaa aan galnay, bahahaaga kale waxba ka dooni maayo’e”. Odaygina waxa uu jawaabay “Waan ku siiyay”. Wiilkii ayaa mar kale ku tiraabay “Qorigana iga qabo”, waxaanu doonay in uu odaygii oo hadda soddog u noqday ku wareejiyo qorigii uu markii hore damacsanaa in uu ku dilo. Odaygi waxa uu yidhi “Xaasha”, waanu diiday in uu qoriga ka qaato. Waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi isaga oo wiilkii la hadlaya “Waxaan kuu ballanqaadayaa in aanan inantaa siinnin cid kale, adiga oo fasaxa inanta ama dhinta maahaane, qorina kaa qaadi maayo, ee sidaas beeshii ku wargeliyoo, raalli ku noqo, inantuna way yar tahay, adna waad yar tahay ee isa suga inta aad koraysaan”. Waxa la galay wacadkaas culus ee ah in in la xididay oo la kala guddoomay mid ka mid ah hablihii odaygu uu dhalay. Wiilkii iyo raggii la socdayna waxa ay ku laabteen beeshoodii ay ka yimaaddeen, ee markii horeba soo dirtay, soona abaabushay.

Markii ay xigaalkii ku laabteen ayay uga warrameen waxa dhacay iyo in aanay soo dilin odaygii la rabay in la qudh-gooyo. Waxay sheegeen in ay qaateen nabadgelyo iyo saamax. Raggii ambabixiyay way u duceeyeen wiilashii soo laabtay iyaga oo aan dil geysan, waxayna ku muusoodeen “Idinkaa naga talo roonaa, kolna aabbahaa ma yimaaddeen, Ilaahoow adaan qof muslin ah nagu dhagarayn”.

Sheeko ku jirta manhajka dugsiyada sare ee Somaliland: Fasalka 3aad..
Sooyaal ku qoran Dhiganaha Halyeyadii Hantay Himiladooda ee Abdi Jibar Aden Abdi qoray

W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here