Fari Togdheer Bay Kula Xushaa

0
636

Aqoon yahan door ah ayaa aaminsan in dimuqraadiyadda cudurka ugu weyn ee ay la ildaran tahay ama dhaliisha ugu muhiimsan ee ay leedahay ay tahay xorriyad dabarka iyo shakaalkaba furatay oo meesha ka saartay qiimihii iyo nuxurkii kala danbeynta qaranimmo keenaysay iyo in qof waliba sida uu doono, waxaa uu doonayo u sameeyo, u dhaqmo, u doodo, u weeraro maamulka iyo jiritaankiisa. Marka uu doonnana xukunka gacanta ku qaato oo isku dayo inuu arrin gaar ah oo cid gaar ah ka dhexeeya ama aan ka dhaxeyninba uu u burburiyo amaanka guud, ha gar lahaado marka hore ama ha lagga gar lahaado’e.

Tan waxaa ka darran oo Ummadeena haysata dhibaato la xidhiidha fahamka dawladnimada.

Cabdiraxman M. Cabdullahi ayaa waa sii horaysay faahfaahiyay qodobkan, waxaa uu yidhi. “Eraygga ‘muwaadin’ maalmahan aad looma maqal, una maleyn maayo iney dareemi karaan micnihiisa dhabta ah dhallinyarada hadda jirtaa.”

Si gaaban haddii loo qeexo micnaha muwaadinnimada waxa la odhan karaa: waa xubin ka noqoshada rasmiga ah ee dawalad qaran, ama dawlado isku tegay (Midawga Yurub), gobol (Gedo) ama magaallo. Xubinnimadaas waxaa lagu heli karaa u dhalasho ama la dhaqan deganaasho leh, waxeyna ku dhisan tahay in xubnaha oo dhami leeyihiin xuquuq siman iyo waajibaad isku mid ah. Waxaase eraygaas bedelay erayo kale oo muujinaya xubinnimo ku kooban gobol ama reer oo buuxiyay booskii muwaadinnimada. Tusaale, ruuxu wuxuu xaqqiisa ku raadsanayaa Isaga oo sheegta magaca reerkiisa, kursi baarlamaan, wasiir ku doonayaa magaca reerka. Waxaana aan shaki la heyn in xaaladaasu ay sii dilayso dareenka muwaadinnimada iyo nidaamka dawladnimada.” waa uu sii wadday, waxaana uu yidhi, “Nidaamka dawladnimada casriga ah kuma jirto wax kala soocaya dadka muwaadiniinta ah, kuwooda fiican iyo kuwooda xun, muwadinnimada waa u siman yihiin. Muwaadin kasta wuxuu helayaa abaal marrin ama ciqaab shaqsi ah qaanuunka hortiisa ee miisaan kale lama sari karo. Sidaas oo ay tahay, haddana muwaadinniintu waa kala fiicanyihiin, waxeyna u kala baxaan laba, mid fiican iyo mid xun.

Muwaadinka fiican waa qof u hogaansama qaanuunka dawladda oo aan sharciga jebin. Waa qof bixiya qaadhaanka dawladda (Canshuurta) oo aan la’aanteed dawlad la noqon karin. Waa qof shaqeysta oo naftiisa iyo qoyskiisa masruufa. Waa qof kaalmeeya inta ka tabarta daran oo gaadhsiiya mucaawino. Waa qof aan khiyaanin waddankiisa oo aan ka shaqeyn danaha dawlado kale oo cadaw la ah dalkiisa. Waa qof xoogga saara inuu iibsado waxyaabaha dalkiisa laga sameeyo ama laga soo saarro si uu u kobco dhaqaalaha dalkiisa. Waa qof xor ah, sheega waxyaabaha runta ah, taageera waxyaabaha saxda ah, kana soo horjeesta waxyaabaha khaldan. Muwaadinka fiican waa qof iskaashi la leh dadka uu la wadaago fikirka, shaqadu ka dhexeyso iyo kuwa dariska la ah. Muwaadinka fiican waa qof aan wax xadin, wax boobin, been aan sheegin, wax aan khiyaamin, qoyskiisa si fiican u dhaqda, caruurtiisa barbaariya. Muwaadinka fiican waa qof ixtiraama xornimada, dareenka iyo qaab nololeedka muwaadiniinta kale iyo aadamiga oo dhan. Ugu dambeyntii, muwaadinka fiican waa qof leh dhaqanka iyo akhlaaqda fiican ee diinta Islaamku na fareyso.

Muwaadinka xun, waa qof nuxnux leh ah, hadal ku nool ah oo inta shaqeysata ku dul nool. Ku dulnoolaasho ku dhisan tuugsi, khiyaano ama boob. Kuwaas qaarkood, waxey isku haystaan iney dadka ka diin badan yihiin, ka waxgaradsanyihiin, kana nasab sanyihiin. Kuwaas agtooda, dadku ma aha muwaadiniin siman oo dadka waxaa ugu fiican reerahooda, xaqna u leh iney reeraha kale xukumaan, xoog ama xeelad. Kuwaas qaarkood, dadku Muslim uma wada aha….

Muwaadinka xun waa sharci jebiye, qaraan-diid dawlada iyo qoyskaba burburiya. Muwaadinkaas dhaqankiisu xumaaday wuxuu culeys joogto ah ku yahay muwaadiniinta fiican, dhaqan celinna ka sugayaa asaga oo aan luminin muwaadinnimadiisa.”

Yaan qallinku ku foggaan arrarta iyo gogol xaadhka’e. Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa dalka jamhuuriyadda Somaliland laga hadal hayay askari ka tirsanaa ciidanka qaranka oo lagu magacaabo Cornayl Caarre.

Saraakiil uu ku jiro Sarreeye guuto Saleebaan Barre Geesood Abbaanduulaha labaad ee Ciidanka Qaranka JSL ayaa shalay ka hadlay Kornayl Caarre.

Abbaanduule Geesood waxa uu innoo sheegay in sarkaalkaas Ciidanka Qaranku aad ulla dedaalay, iyaddoo mararka qaar uu gaadhay in tacadiyo uu geystay iyo dunuub uu galay awgeed Xabsi loo geeyay isaga oo sarkaal ah oo ay ahayd inuu muujiyo dhaqan wanaag Askartiisu kaga dayan karto. Sidaas oo ay tahay iyaddoo la isku dayayo in dhaqan celin loo sameeyo maadaama uu ka mid yahay muwaadinniinta dalka, mudo markii uu xidhnaa in arrinkii si hoose loo dhameeyay lana dalacsiiyay. laakiin, uu aakhirkii ku dhex-milmay qoyaysas walaalo ah oo shaqaaqo dhex martay, haddana uu iskii uga tagay ciidanka.

Marka ay sidaas tahay, Qallinkuna u fiirsadday intii uu dibad joogga ahaa Caarre hadalkiisa iyo doodda ah in caddaalad darro ku dhacday ama jirto waxaa uu u muuqdaa nin ‘Fari Togdheer la xushay’ oo haatan meel uu iska soo qabto la. hees baa jirtay ay ereyaddeeda ka mid yihiin, ‘Addiga oo ku leday nabad, kolkol bay lug taaddani, Luxudka kuu tilmaantaa”

Hase ahaatee, Qallinku xukun ma leh, ciidamadda qalabka sida ayay u taallaa sida loola macaamilayo waxaase uu shacbiga kulla talinayaa inay dhawraan nidaamka aynu qaranka iyo dalka ku nahay haddii ay saxayaana aanay ka gudbin xuduudka oo aanay gaadhin Boogta dimuquraadiyadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here