Anna mayska noolahay !! Waxa qoray Cumar Seerbiya

0
122

Iyada oo magaalada Ceerigaabo la joogo dhammaadka sagaashamaadkii waxa sii xoogaystay jacaylka uu Cabdullahi u qabo gabadhan iyaduna sidiisa si la mid ah jacaylka la bururaysa , Cabdulaahi ayaamahan dambe aad ayuu u faraxsanyahay sababta maalinkasta wuxuu jacaylka uu la noolayay kala kulmaa farxad ay sababto gabadhu.

Xogta ku saabsan inay isjecelyihiin labadoodu kaliya kumay koobnayn ee waa sheeko ayaantan dambe caan ka dhex noqotay bulshada Ceerigaabo oo labadii meel isla taaganba ee indho caashaq isku fiirinayaba iyaga ayaa la moodaa , labadii fiid cawl isla baxaayaba iyaga ayaa la moodaa , labadii meel gidaar ah wadne ku sawira ama erayo ku qora iyaga ayaa la moodaa , warqaddii jid laga helo ee laab-laaban-ba inay iyaga kaluntay ayaa la moodaaoo sina waa looga gar darranyahay sina looga garleeyahay ileen iyaga ayaa iska dhigay Tuke baalcad.

C /laahi habeenna kuma seexanin waydun iswaayi umana eeka inay iswaayayaan sababta oo ah labada qof haddii ay jacaylka geesaha isla hayaan maxaa ka xumaan karaba ? dee maluhu sidii yahay waxba.

Saaka subaxdii hore waxa kulmay Cabdullaahi iyo saaxiibka ugu dhow ee uu magaalada ku leeyahay oo dabcan sidoo kalena ay isku dugsi waxbarasho ahaan jireen sannado ka hor , wuxuu u sheegay inuu maanta Cabdullaahi ku casuumanyahay xaflad qado sharaf ah oo gurigooda lagu sameeyey, Cabdullaahi waa aqbalay isaga oo weliba ku faraxsan martiqaadka saaxiibkii .

Duhurkii salaadda ka dib ayey isa soo raaceen labadoodu (Cabdullaahi iyo saaxiibkii), waxayna yimaadeen gurigii oo dad badan joogaan , waxa la fadhiisiyey meel dhallinyarada xaafadda loogu talo galay inay ku qaadeeyaan , dhawr mar oo uu Cabdullaahi weydiiyey saaxiibkii sababta qadadan intan oo qof loogu casuumay , wuxuu ku dhaafay hadalka inay tahay kulan sharafeed dadkan loogu talo galay oo duco iyo casuumad isugu jira .
Markii la qadeeyey ee dadkii wada fadhiyey laba laba iyo koox-koox u kaftameen waxa dadkan oo fadhiyey geed weyn oo guriga ku dhex yaalla hoostiisa istaagay Aabaha guriga oo isagu ah ninka qadada dadka sameeyey sidoo kalena abti u ah Cabdullaahi saaxiibkii , wuxuu dadkii u sheegay mahad celin ka dib in maanta ay taariikh u tahay guud ahaan qoyskooda madaama uu bixinayo gabadhii uu dhalay ee u horraysay oo iyada laga soo doontay, hadalkiisa markii uu dhammeeyey waxa soo istaagay laba oday iyo nin kale halkii ayaana gabadhii la isweydiistay laguna kala guddoomay.

Cabdullaahi sheekada qaybta Ka qusaysa waa magaca gabadha oo saddexan oo uu si fiican u yaqaan iyo weliba aabaha gabadha bixiyey oo ah qofkii uu isagu gabadha weydiisan lahaa markay dhammaato ballantoodu, wuu istaagay wuuna ka baxay gurigii , wax dareen ah ama saamayn ah bixitaanka Cabdulaahi kulanka uma yeelin , aan ahayn in saaxiibkii ka daba tagay si uu u weydiiyo sababta uu u baxay madaama weli fadhigu dhammaanin ? waase sadar muuqda su’aal ka dhan ah maxaa yeelay wuu ogyahay in Cabdullaahi marna ayna raaligelin Karin waxa meesha ka dhacay oo ah in uu goobjoog ka ahaado gogol lagu bixinayo gacaladii uu jeclaa .

Cabdullaahi markan waxa kasta oo loo sheego kuma qanci karo saaxiibkiina kuma qancin karo , gacaladii uu jeclaana warkeeda ma aqbali karo , sababta oo ah waxa ugu weyni waa inuu waayey iyadiiba weliba isagiina la markhaati gashaday.

Wuxuu ka fikirayaa dhowr arrimood oo ta ugu weyni tahay inuu weerar gacanta ah ku qaado gurigii maanta gabadha lagu bixiyey halkaasna uu waxyeelo ka soo gaysto , hadana muu qaadanin ee waxa hor timi go’aan kale oo ah inta ayna qorraxda barri soo bixin inuu magaalada ka baxo, tan dambe ayuuna ku adkaystay , markan waa safar waana fiidkii inta aanu weli magaalada dhanka galbeed uga bixin wuxuu ka fikiray bal hal mar inuu weydiin karo gabadhii ay isku calmanaayeen sababta ay ballanta uga baxday ee ay nin kale uga door bidday , gurigii ayuu tagay iyada oo meel daarada ah fadhida ayuu soo kor istaagay wuxuuna ku yidhi isaga oo aan toos u fiirin Karin cadhona ka muuqato ” Gacalo maxaad ii khiyaantay oo aad ballantii uga baxday” hadalba meel fog kamay raadin ee waxay ku jawaabtay “ aniga ayaa kaa jecel inu hirgalo waxa niyadaada ku jira , balse waa awood xagga waalidka ka timi “.

Cabdullaahi wuu ka baxay magaalada wuxuuna u jihaystay dhanka deegaanka Ceel-afweyn oo uu ku ogaa nin dhakhtar ah oo xaalkiisa wax ka qaban kara siduu aamisanaa , nasiib wanaag baabuur baxaaya ayuu helay kii ayuuna xagga sare ka fuulay , habeenkii waxa la sii socdaba , subaxii markii uu ku Waa’bariistay Ceel-afweyn ayuu la kulmay dhakhtartkii oo magaciisu ahaa Jaamac Cabdi Seed dadkuna u garan ogyihiin Jaamac daad xaalkiisii ayuu uga waramay,

Dhakhtartkii wuxuu isla markiiba u qoray erayada ku jira heesta Nasiibkaa ma kulanteen? ee uu Cabdullaahi qaado.
Halkii (Ceel-afweyn) ayuu maalmo kooban joogay wuxuuna magaaladii Ceerigaabo ku laabtay gabadhii cashaqa u gunuday oo u dhooftay meeshii uu ku noolaa ninkii ay Afada u noqotay (Imaaraatka) wuxuuna markan sitaa heestii nasiibkaa ama muxuu nabarka caashaqo ii gaystay naafada oo laxamaysan shaqadii u horraysay ee u qabtana waxay ahayd inuu cuud ku tumo heesta codkiisana ku qaado isaga oo Cajal/Cajalad ku duubaya heestana si uu ugu diro Imaaraatka oo ah halka ay joogtay boqol ka-roon tii laga xoogay.

Erayada ah nasiibka ama kulanteen anna ma iska noolahay ? ayuu dhowr mar ku soo cel-celiyey intii Cajalku duubmayey , ayaamo ka dib markii uu diray farriintii wuxuu helay asna Cajalad kale oo cod ah oo ay cudur daar kaga bixinayso wixii dhacay , asna wuxuu ugu jawaabay “meel hoo u baahan, hadal waxba kama taro”.

Alle ha u naxariisto Cabdullaahi Mire Dacar (Shay Mire) iyo Abwaan Jaamac Cabdi Seed (Jaamac daad) oo isaga aynu mar kale si hufan uga sheekayn doono fankiisii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here