Wiil Yar Oo Ku Guuleystay Inuu Jabsado Habka Ay Ku Shaqeyso Shirkadda Teleefanada Ee Apple

0
401

Wiil yar oo u dhashay Dalka Australia isla markaana ah arday wax ka barta Dugsiyada Dalkaasi ayaa waxa uu ku guuleystay inuu guda galo habka ay ku shaqayso shirkada Teleefanada Gacanta ee Apple.

Sida lagu baahiyay The Gardian oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay arrintan ayaa waxa si degdeg ah usoo fara galiyay Hay’adda dambi baadhista ee Dalkaasi Maraykanka FBI, kadib markii shirkada Apple u gudbisay qaabka ay arrintaasi u dhacday.

Wiilkan yar ayaan magaciisa la baahin waxaana wiilkaasi yar loo soo jeediyay eedayn arrintaasi ku saabsan, dhinaca kale qareenka wiilkan yar ayaa sheegay in arrinta uu wiilkaasi yar ku kacay aanay aheyn cadawtinimo uu arrintaasi u sameeyay helitaan uu ka helay oo uu jeclaystay shaqada shirkadaasi ee shaqooyinka heerka sare ah ee ay qabato iyo horumarka dhinaca Tiknoolajiyada ee shirkadaasi ay gaadhay.

Wiilkan yar ayaa sidoo kale loo soo jeediyay eedaymo ka dhan ah macluumaadka daahsoon ee shirkadaasi oo xaddigooda lagu sheegay ilaa iyo 90Gb kuna keydsanaa Memory-ga shirkada oo si aad ah loo ilaalin jiray, isla markaana ay lahaayeen Macaamiisha shirkaddu.

Arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxay tahay in wiilkan yari uu marar dhawr ah galay habka shirkadaasi ku shaqeyso muddo sanad ah gudahood.

Ma jiro xukun wiilkaasi lagu xukumay ilaa iyo haatan, balse waxa socda baadhitaanada kala duwan ee arrintaasi la xidhiidhaa waxaana xukunka kama dambaysta ah ee wiilkaasi yar lagu dhawaaqi doonaa bisha Septemper ee fooda inagu soo haysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here