Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Maanta Kulan Lagu Adkaynayo Amniga La Qaatay Isuduwayaasha Wasaaradaha Iyo Saraakiisha Ciidamada Ee Magaalada Ceerigaabo

0
63

August 12 2018 (BRA-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo Waftidii uu hogaaminayey ee Shalay Soo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa Saaka Shir La yeeshay Saraakiisha Ciidamada Kala Duwan iyo Isu duwayaasha wasaarada u jooga Gobolka Sanaag.

Shirkan oo ka Qabsoomay Xarunta Badhasaanka Gobolka Ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Waxaa ku Wehelinayey Agaasimaha Guud Ee Amniga Wasaarada Arrimaha Gudaha JSl Mukhtaar Maxamed Cali, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Xasan Gaafaadhi. Badhasaabka Bogolka Sanaag Maxamed Cismaan Caalin Tiinbaro , Hogaanka Ciidanka Birmadka JSL Cabdi Axmed Tiir, Hogaan Ku Xigeenka Wacyi Galinta Ciidamada Qaranka JSl Gurey Gabareey, Taliyaha Qaybta Ciidamada Birmadka Faysal Cabdi Bootaan, Taliyaha Qaybta Ciidama Boliska Iyo Isduwayaasha Wasaarada kala duwan.

Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii lays kugu xidhi lahaa dhamaanba laamaha Dawlada ee gobolka oo ugu sareeyo Badhasaabku isla markaana loo heli lahaa wadashaqayn buuxda .

shirkan ayaa waxaa hadalo kasoo jeediyey qaarkamida isuduwaasha kuwaasi oo aad ugu mahadnaqay waftida uu wasiirka arrimahaguduhu hogaaminayo sheegayna in xili hore loo baahnaa wada shaqaynta laamaha xukuumada ee gobolka maanta ay aad u soo dhaweynayaan.
dhinaca kale waxaa hadalo dhiiri galina halkaasi kasoo jeediyey badhasaabka gobolka Sanaag iyo wasiirada Ciyaaraha iyo Xanaanada Xoolaha Iyo Kalluumaysiga.

ugu danbayntii waxaa halkaasi shirka kusoo xidhay wasiirka arrimaha gudaha oo hadali dardaaran iyo awaamiir kala duwan uga jeediyey isu duwayaasha iyo saraakiisha ciidamada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here