Madaxweyne Biixi Oo Qaaday Tallaabadii Ugu Horraysay Ee Mucaarid Iyo Muxaafid-ba Si Isku Mid Ah Loo Soo Dhaweeyay

0
417

August 11 2018 (BRA-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa qaaday tallaabadii ugu horraysay tan iyo markii la doortay ay si isku mid ah u soo dhaweeyaan ugu riyaaqaan shacabka Somaliland iyo taageerayaasha saddexda xisbiga ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ayaa digreeto Madaxweyne gacanta dawladda dib ugu soo celiyay hanti qaran oo ay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay shirkado gaar ah ku wareejisay.

Hantida uu gacanta dawladda dib ugu soo celiyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa kala ah Haamaha Berbera, Amniga iyo Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

Dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa boggaadiyay tallaabadan uu qaaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here