Lix Qof Oo U Dhashay Itoobiya Oo Lagu Dilay Dalka Jabuuti

0
201

August 11 2018 (BRA-Jabuuti)-Lix qof oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa lagu warramayaa in siyaabo kala duwan loogu dilay waddanka Jabuuti weerar u muuqday aargoosi, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob-joogayaal ahi.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in dilalkani ay dhaceen siyaabo gooni gooni ah, gaar ahaan waxaa ay intooda badan dhaceen xilli habeen ah.

Weerarrada aargoosiga ah ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Boqolaal ruux, waxaa la bililiqeystay Tukaamo ay lahaayeen dad Itoobiyaan ah magaalada Jabuuti, ciidamo wax fara-galin kuma sameyn sidda laga soo xigtay dadka Itoobiyaanka ah, wallow dowladda Jabuuti ay arrintaa cambaareysay.

Dad Jabuutiyaan ah ayaa ku dhintay Rabshado ka dhacay Magaalada Diridhaba, ka dib markii Dad Soomaali ah iyo Oromo ahi ku dagaalameen halkaasi.

Dadka reer Jabuuti ku dhinteen oo daba socotay rabshado waaweyn oo ka dhacay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,a yaa tiradooda lagu sheegay inay ahaayeen Shan Qof, kuwaasi oo Diridhaba u joogay fasax, maaddaama oo Sannad kasta Xilliga Xagaaga Dadka reer Jabuuti ay u xagaa-baxaan Magaalooyinka Diridhaba ka mid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here