Dablay Magaalada Ceerigaabo Ku Afduubtay Baabuur Uu Lahaa Baanka Somaliland

0
365

August 11 2018 (BRA-Ceerigaabo)-Dablay Hubaysan ayaa Magaaladda Ceerigaabo ka kaxaystay Baabuur ay lahayd Laanta Baanka Somaliland ee Magaaladda Ceerigaabo.

Baabuurkan oo uu noociisu ahaa toyota hilux ayaan la garanayn meel ay la tageen kooxda Afduubka u geysatay.

Wariye ku sugan Magaalada Ceergaabo ayaa u sheegay Hadhwanaagnews oo ay shabakadda Barigaafrikanews ka soo xigatay in aan la garanayn cidda kaxaysatay baabuurkaasi, hasayeeshee waxa loo badinayo in ay la baxsadeen ciidammo taabacsan sarkaal sare oo shalay ka goostay ciidammada qaranka Somaliland.

Dhinaca kale Magaaladda Ceerigaabo ayaa waxa soo gaadhay ciidamo kala duwan oo laga soo qaaday ceel afweyn kuwaas oo halkaasi u joogay dhexdhexaadinta Beelihii dhawaan ku dagaalamay Degmadda Ceel Afweyn.

Sidoo kale waxa magaalada Ceerigaabi ku sugan wafti kala socda xukuumadda Somaliland oo ka kooban wasiirro uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here