DARAASAD: Maxaa Ragga Ku Kelifa Gogol-dhaafka [Akhriso]

0
387

Daraasad cusub oo ay sameysay Jaamacadda Cambridge ayaa lagu ogaaday in ku guuleysiga tartan uu elifo ragga illaa ay ka gaadho heer uu khiyaano iyo qish uu sameeyo.

Cilmi-baadhayaashu waxay daahrogeen in ragga uu ku bato hormoonka testosterone marka ay aaminaan in ay ragga kale ay tartan dumar kaga adkaadeen, arrintaas oo ka dhigay dad qaar iney naftooda u eegaan iney yihiin taargat qiimo badan.

Daraasaddan ayaa muujisay in guushu ay keento isbedbedel ku yimaadda hormoonnada ragga iyo hab dhaqankooda jinsiga, taas oo ka dhigtay in ay markasta u hanqal taagaan, waxa guushooda ka dambeeya, dumarka quruxda badan.

Cilmi-baadhayaashan ayaa waxay qiyaaseen heerka hormoonka ragga iyo soojiidashada ay leeyihiin, iyo kalsoonidooda ku aaddan u dhawaanshiyaha dumarka. Waxaa xaaladdooda la baaray 38 rag ah oo da’aadda labaatameeyada ku jira, ka hor iyo kadib markii ay tartan la galeen rag kale.

Cilmi-baadhayaashu waxay sameeyeen in ay natiijada tartanka ay isku qasaan oo qof aan guuleysan la yidhaaho waad guleysatay, waxaa arrintaana laga ogaaday in raggii isku arkayay in ay guuleysteen uu hormoonka testosterone uu kordhay oo kalsoonida naftoodu ay korortay, arrintaas oo dhalisay inuu is bedelo habdhaqankoodii jinsiga oo shabeel naagood isku bedelay.

Ragga aaminay in ay tartanka ku guuleysteen hormoonka testosterone waxa uu kor u kacay 4.9%, sidoo kale waxaa hoos u dhacay heerka hormoonka 7.24% kuwa kale ee aaminay in lagaga adkaaday tartankii jacayl ee ay rag kale dumar kula tartamayeen.

Iyadoo ay jirtay in guuldarradu aanay saameyn sidaas ku yeelan kalsoonida raggii u qaatay inay guuldarreysteen ayaa haddana kuwii islahaa waad guuleysateen uu saameyn weyn ku yeeshay dhinaca khusaysa soo jiidashada dumarka, iyadoo ay korortay 11.29% inuu aad ugu dhawaado dumarka qurxoon uuna raadsado.

Daraasado horey loo sameeyay ayaa muujinaya in hormoonka testosterone uu hoos u dhaco ragga xaaslayaasha ah ama kuwa carruurta leh, arrintaas oo sii adkeysa xidhiidhka guurka khiyaanada ka horistaagta.

Natiijada daraasaddan dhawaan soo baxday ayaa tilmaameysa hormoonka testosterone  saamaynta nafsiyeed ee uu leeyahay, waxaa si fudud looga adkaan karaa inuu qofku u wareego guur degdeg ah arrintaas oo ka celinaysa inuu gogoldhaaf sameeyo noloshiisana si wanaagsan u xakameynaysa.

Xigasho: Bahda MaandeeqFm 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here