Qarax Xooggan Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle

0
798

August 1 2018 (BRA-Buuhoodle)-Qarax xooggan ayaa ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaasi oo intiisa badan laga maqlay magaalada Buuhoodle.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay magaalada salaadii makhrib kadib, iyadoo lala begsaday gaadhi ay la socdeen siyaasiyiin.

Sida wararka nagu soo gaadhayaan ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen laba qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 qof

Dadka waxyeelada ka soo gaadhay qaraxa ayaa la sheegayaa in ay ka mid yihiin Siyaasi Axmad Maxamuud Doolaal Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Khaatumo iyo Cabdifitaax Cali oo la taliye u ahaa Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdrashiid.

Qaraxa kadib waxaa magaalada soo gaadhay ciidammada ammaanka, waxaa hakad galay isu socodkii dadka, ganacsiga iyo gaadiidka, waxaana weli magaalada laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidanka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here