“Dhaxal-sugaha Imaaraadka Waxaan Ku Idhi, Waxaad ka Leexateen Jidkii Toosnaa Ee Diinta Islaamka..” Abyi Axmed

0
123

July 29 2018 (BRA-Hargeysa)-Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abyi Axmed oo socdaal ku jooga Dalka Maraykanka, ayaa Jimcihii Doraad kulan la yeeshay Muslimiinta Dalkiisa ee ku dhaqan Dalka Maraykanka.

Raysal-wasaaraha ItoobiyaDr. Abyi Axmed oo khudbad u jeediyey Muslimiinta Itoobiya ee Maraykanka ku dhaqan, ayaa sheegay in Diinta Islaamku tahay Diin ku salaysan Nabadgalyo, isagoo tusaale u soo qaatay Salaanta Dadka Muslimka ahi isku Salaamaan, waxaanu yidhi “Ugu horreyn markaan ka hadlayo Islaamka, waxa Maskaxdayda ku soo dhacaya waa Salaanta Islaamka ee ah ‘Asalaamu Calaykum Wa raxmatullaahi wa Barakaatu’, taasi oo Macnaheedu yahay in Islaamku yahay Nabad iyo Barako.”

Raysal-wasaare Abyi wuxuu sheegay in Muslimiinta Geeska Afrika, gaar ahaan Muslimiinta Itoobiya ay wax badan bari karaan Muslimiinta kale ee dunida, waxaanu Tusaale u soo qaatay kulan uu dhawaan la yeeshay dhaxal-sugaha Isku-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Saa’id “Dhawaan markaan la kulmay Dhaxal-sugaha Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Saayid ee aanu ka wada-hadalnay sida ay Imaataadku noo caawin karaan, waxaan u sheegay inaanu u baahan nahay inaanu furno xarumo lagu barto Diinta, waxaanan waydiiyey waxay nagu caawin karaan, Dhaxal-sugaha Imaaraadku wuxuu ii sheegay inay diyaar u yihiin inay na caawiyaan, isagoo sheegay inay naga caawinayaan dhinaca Diinta (Islaamka), balse waxaan u sheegay uma baahnin inaad Diinta na bartaan, sababta oo ah waxaad ka leexateen Jidkii Diinta (Islaamka), balse waxaanu u baahan nahay inaanu deg-deg u barano luuqadda Carabiga, si haddii aanu Itoobiyaan nahay aanu dib idiinku soo celino Jidka toosan ee Diinta Islaamka..”

Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa inuu la kulmo kumanaan ka mid ah Jaaliyadda ka soo jeeda Dalka Itoobiya ee ku dhaqan Washington iyo Agagaarkeeda, isagoo sidoo kalena booqan doona Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka, halkaasi oo ay ku nool yihiin kumanaan Soomaali ah iyo jaaliyad tiro badan oo ka soo jeeda qoomiyadda Oromada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here