XOG: Mareykanka Oo Bisha Soo Socota Weerar Ku Qaadaya Dalka Iran

0
87

July 27 2018 (BRA-Hargeysa)-Dawladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa in ay weerar gantaallo ah ku qaado goobaha Nuclear-ka dalka Iran bisha soo socota, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Australia.

Taleefishinka qaranka Australia ee ABC ayaa sheegay in Trump uu diyaar u yahay in uu bixiyo amar weerar oo ka dhan ah Iran. Taleefishinka ayaa soo xigtay ilo-sirdoon oo magacooda la qariyey.

Si kastaba markii warkan uu soo shaac baxay, raysal wasaaraha  Australia Malcolm Turnball waxa uu iska dayey in uu qaboojiyo, isaga oo sheegay inuu yahay warar la isla dhex-marayo oo aan hubneyn.

Taleefishinka ABC ayaa sheegay in saldhigga ugu sarreeya sirdoonka dalkaas ee Pine Gap uu kaalin ka qaadan karo cayimidda goobaha weerarka lala beegsanayo ee dalka Iran.

“Warka ABC ee laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Australia, aniga la igalama tashan, ama wasiirka arrimaha dibedda, ama wasiirka gaashaandhigga, ama taliyaha ciidmada” ayuu Turnball u sheegay ABC Radio.

Warkan ayaa imanaya iyada oo Trump uu toddobaadkii horey ugu hanjabay Iran inay la kulmi doonto cawaaqib aan dhicin taariikhda dunida haddii sida uu sheegay ay u hanjabto Mareykanka.

Source:- Donald Trump could be ready to order a strike against Iran, Australian Government figures say

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here