Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Dalka Pakistan Iyo Walaac Xooggan Oo Laga Muujinayo

0
131

July 27 2018 (BRA-Hargeysa)- Doorashadii guud ee ka qabsoontay dalka Pakistan taasi oo lagu kala dooranayay aqalka hoose iyo weliba aqalka gobollada ayaa waxa hadheeyay walaac xooggan iyada oo cabsi hor leh ay ka taagantahay waddankaasi, in kasta oo doorashada ay amnigeeda sugayeen 800,000 oo ciidamada Booliska iyo Militariga isugu jira ayaa haddana waxa dhacay weerar ismiidaamin ah kaasi oo ay ku nafwaayeen in ka badan 35qof kadib markii goob ay ka codaynayeen la qarxiyay.
Ninka uu Nawas Sharif booska siiyay ee ay walaalaha yihiin Shahbas sharif una tartamaya xisbiga Palkistan Muslim League-Nawaz ayaa bartiisa twitterka ku qoray in uu gebi ahaanba qaaddacay kana baxay doorashada kadib markii uu sheegay in ku shubasho xooggan ay samaynayaan dad u shaqaynaya Militariga islamarkaana raba in uu soo baxo ninka Kricket ka caanka ku ah ee Cimran Khan, Pakistan Muslim League Nawaz waxay cambaaraynaysaa islamarkaana ay gebi ahaanba diidi doontaa natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada 2018 sababtoo ahbaa la yidhi waxa meesha ka jira mu’aamarado waaweyn oo aan sharcigu oggolayn, taas oo caddaatay kadib markii goobo badan la iska bilaabay tirinta codadka iyada oo ay ka maqanyihiin Muraaqibiintayadii; sidaas daraadeed doorashadani waxay u eegtahay mid xun.

Warkan qoraalka ah oo sii socda ayaa waxa lagu yidhi “waxaannu ku fikiraynay in doorashadani noqotto mid dadka u oggolaata in ay u codeeyaan si xaq ah oo xor ah sidaas darteed doorashadii waxay noqotay mid ku dhammaatay xattooyo iyo qalalaase, waxaanan idiin sheegayaa in aanan weligay arag 30 sano oo aan siyaasi ahaa doorasho sidan oo kale loo kufsado” sidaas ayuu Shahbas Sharif ka yidhi magaalada Lahor ee dalka Pakistan.

Sidoo kale wiilka ay dhashay Raysal wasaarihii hore ee Pakistan Bhutto oo hoggaaminaya xisbiga PPP ayaa waxa uu soo qoray in doorashadu u eegtahay mid la xaday waxaana uu sheegay in muraaqibiintii iyo musharrixiintii u tartamayay xisbigiisa bannaanka looga saaray goobihii tirinta codadka.

Dhanka kale Musharraxa Kricket ka caanka ku ah ee Cimran Khan ayaa sheegtay kuna dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada ka qabsoontay waddanka waana musharraxa ay xisbiyadu ku eedaynayaan in Millatarigu la socdaan, waxaana waddanka lagu arkayaa ciidamada Militariga oo maraya waddooyinka taasi oo noqon karta in xilli kasta ay dalka la wareegi karaan haddii qalalaase dhaco.

Natiijada kama dambaysta ahaa ayaa lafilayaa in maanta oo jimce ah lagu dhawaaqo, iyada oo xisbiga ugu weyn ee loo saadaalinayo uu yahay xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ee uu hoggaamiyaha ka yahay Imran Khan.

Xaqiiqooyinka Doorashadani ay kaga duwantahay kuwii hore

272 kursi ayaa loo baratmayaa

60 kursi ayaa loogu talagalay Haweenka halka 10 kursina  loogu talagalay beelaha laga tirada badan yahay.

In ka badan 106 Milyan oo codbixiye ayaa diwaangashan

Tani waxay noqon doontaa markii ugu horraysay ee laba xukuumadood oo rayid ahi ay xukunka la kala wareegaan Pakistan 70-sano ka dib

Ilaa 800,000 oo oo ciidamo ah ayaa la geeyay 85,000 oo xarumaha codbixinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here