DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Magalada Asmara Ee Dalka Erateria

0
121

July 27 2018 (BRA-Hargeysa)- Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliyab Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maalinta beri ah uu safar ku tago dalka  Erateria gaar ahaan magaalo madaxdiisa Asmara.

Wasiirka warfaafinta dalka Erateria waxaa ayaa ku faafiyey bartiisa Twitterka socdaalka uu madaxwayne Farmaajo ku tagaayo dalkaasi. Madaxweyne Farmaajo waa markii ugu horreysay tan in markii xilka madaxweyneneimo loo doortay 8-dii Feb sanadkii tegay ee 2017 uu ku tago dalka Erateria.

U jeedka safarka Madaxweynaha ee Asmara ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo hagaajin lahaa  xidhiidhka labada dal oo in muddo ah aan wax cilaaqaad ah laheyn.

Tagitaanka Farmaajo ee Asmara ayaa waxa uu imaanayaa,iyada oo ay dhawaan heshiiyeen Ethiopia iyo Erateria oo ,udo 20 Sano ah colaad ay ka dhaceysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here