Ujeedka Safar Uu Raysal Wasaare Kheyre Ku Tegi Doono Garoowe

0
61

July 26 2018 (BRA-Hargeysa)- Warar aanu helayno ayaa sheegaya in raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu safar ku tegi doono maamulka Puntland dhawaan. Wuxuu noqonayanaaa  safarkiisii ugu horeeyey ee ku tago magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in ujeedada ugu weyn ee uu tagayaa Puntland ay tahay in uu maamulka Puntland kala qeyb galo 20 sanno guurada ka soo wareegtay markii la aasa aasay maamulkaasi oo ku beegan 1 bisha 8aad oo inagu soo aadan.

Kheyre ayaa sidoo kale bookhan doonna deegaanno kala duwan oo ku yaala maamulka Puntland. Waxa kale oo xusid mudan in raysal wasaare Kheyre ka hadli doono xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanka Tuke-raq oo ay ku dagaalayaamaan ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland.

Ugu danbeyntiina deegaannada maamulka Puntland ayaa diyaargarow badan loogagag jiraa xusida 20 sanno guurada ka soo wareegtay maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here