Kambanigii Ganacsiga Dharka Ee Inanta Madaxweyne Trump Oo Kacay (Xidhmay) Iyo Sababta Keentay.

0
116

July 26 2018 (BRA-Hargeysa)- Gabadha uu dhalay Madaxweynaha dalka Maraykanka ee Ivanka Trump kana mid ah dadka la taliyayaasha ka ah aqalka Marayka ayaa waxa la sheegay in Kambanigeedii weynaa ee ganacsiga dharka uu ka kacay ama xidhmay.
War lagu baahiyay TVga CNBC ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Email ay usoo dirtay ay ugu xaqiijisay in ay si kumeel gaadh ah u joojisay ganacsigeedii ay ka wadday dhinaca dharka.

Ivanka Trump ayaa waxa ay tilmaantay in ganacsigeedu 17 bilood ka hor intii aanay iman aqalka cad ee Maraykanka uu marayay meel wanaagsan balse haatan ay go’aan ku gaadhay in ay xidho iyada oo aan wax tafaasiil ah ka bixinin sababta keentay in ay xidho ama uu kaco ganacsigeedu.


Dhanka kale wargayska New york Times ayaa ka qoray warbixin yaab leh oo uu kaga hadlay sababta keentay in uu xidhmo ganacsiga IvankaTrump waxaana uu sheegay in kadib olole xooggan oo ay ku qaadeen Dukaamada waaweyn ee dalka Maraykanka iyo kambaniyada reer Yurub ay sababtay in uu xidhmo ama Kaco Kambaniga Inanta Trump.
Dukaammada iyo kambaniyada ayaa iska diiday in ay Kambanigeeda ka iibsadaan wax alaab ah taasi oo soo dedejisay in uu xidhmo ganacsigeedu, waxaana wararku intaa ku darayaan in la kala diray shaqaalihii Kambaniga Gabadha Trump dhalay ee Ivanca Trump.
Xidhitaanka shirkaddan ayaa muujinaysa sida siyaasaddii Maraykanku godka ugu sii dhacayso iyada oo la sheegay in gabadhan yarina ay ku milantay siyaasadda aqalka cad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here