DEG DEG: Wasiirka Waxbarashada Oo Xilkii Laga Qaaday

0
211

July 26 2018 (BRA-Hargeysa)- Wareegto ka soo baxday xafiiska raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilkii wasiirnimo looga qaaday wasiirkii waxbarashada Soomaaliya.

Wasiir C/Raxmaan Daahir Cismaan ayaa shalay wareysi uu siiyay TV-ga Somali Cable ku sheegay in dowladda aysan aqoonsaneyn jaamacaddaha dalka ku yaalla oo ay ka mid tahay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Lama oga in xilka qaadistan xidhiidh la leedahay hadalkii shalay ka soo baxay wasiirka waxbarshada Soomaaliya C/Raxmaan Daahir Cismaan.

Wareegtada waxaa lagu sheegay in xilka uu si KMG ah u siiheynayo wasiiru dowlaha waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here