Dab Qabsaday Warshad Ku Taala Hargeysa

0
90

July 26 2018 (BRA-Hargeysa)-Habeenimadii xalay waxa dab xooggani ka kacay warshada furshaanta ee magaalada Hargeysa gaar ahaan mid ku taala xaafadda Maxamed Mooge.

Dabka ayaana ahaa mid wayn waxaana burbur soo gaadhay qaybo kamid ah warshadda.Ciidamada debdemiska magaalada Hargeysa oo gurmad dhokhso ah sameeyey markii uu dabkani ka kacay warshada waxay muddo kadib ku guuleysteen daminta dabkaasi.

Sawirka ciidamada debmiska Hargeysa oo ku hawlan bakhtiinta dabka

Taliyaha ciidamada dab demiska Axmed Sawaaaxili ayaa sheegay in ay gurmad ballaadhan dabkani ka fuliyeen. Maamulka warshada oo iyaguna isla goobta ka hadlay waxay sheegeen in markii saddexaad ee ay gubato warshadani tahay isla markaasina khasaaraha hadda ka dhashay dabkani aanu ahayn mid geystay khasaare xooggan ama mid la mid ah kuwii ay geysteen dababkii hore uga kacay warshada.

Dab ka holcaya warshada Al kheyraad ee furshaanta

Sababta dabkani ayaa la sheegay in kimikooyin dhex yaalay warshada dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here