Cabdi Weli Gaas Oo Ku Adkaysanaya Mawqifkii Uu Ka Taagnaa Dagaalka Tuke-raq

0
57

July 26 2018 (BRA-Hargeysa)- Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa weli ku taagan mawqifkii uu ka taagnaa xiisadda dagaal ee deegaanka Tuke-raq oo ka tirsan gobolka Sool oo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland. 

Gaas oo maanta kullan gaar ah la qaatay Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating  ayaa sheegay in weli isaga iyo maamulkiisu aanay waxba iska bedelin mawqifkii ay ka taagnaayeen colaadda deegaanka Tuke-raq oo ay hadda isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland. Cabdi Weli gaas oo kullanka kadib warbaahinta la hadlay wuxuu yidhi “dabcan iyagu waa UN oo way iska rabbaan in nabad geliyo dhacdo oo shaqadiisii weeye. Laakiin ee, dee waxa la yidhaahdaa ee nimanbaa dalka ku soo duulay oo qabsaday, markaa anaggu mawqifkaygii oo cad ayaanu u sheegnay.”

Cabdi Weli Gaas ayaa tiraba dhow jeer oo hore dagaal ku baaqay isagoo sheegay in gobolka Sool iyo dadka degga laga xoreyn doono Somaliland, waxaanu sheegay in gobolada Sool, Sanaag iyo Ceynba laga qabsaday maamulka Puntland maanta ciidamada maamulka Puntland diyaar u yihiin xoreynta dhulkooda.

Geesta kale Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland ayaa isagu hore u sheegay in ciidamada Somaliland aanay sameynin wax xadgudub ah ee ay keliya xuduuddahooda sugayaan, madaxwayne Biixi waxa uu sheegay in dagaalka uu khibrad badan u leeyahay isla markaasina aanay dagaal Somaliland ku deg degaynin waxaanu nabad iyo degganaasho Puntland.

Ugu danbeyntiina mawqifka uu Cabdiweli Gaas ilaa haatan ka taagan yahay dagaalka Tuke-raq ayay dad badani ku tilmaameen in ay sii hurinayso colaadda halkaasi ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here