Dawladda Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Soo Safraan Somaliland Iyo Soomaaliya

0
192

July 25 2018 (BRA-Hargeysa)-Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth ee dalka Ingiriiska ayaa kula taliyey muwaadiniintooda in aaney u soo safrin Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in muwaadiniinta hadda jooga Soomaaliya iyo Somaliland iskaga soo baxaan goobaha uu ka digay Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth

Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee taga Hargeisa iyo Berbera waxaa iyagana lagu taliyay inay la socdaan warbaahinta maxaliga ah, in aaney tagin goobo isu soo bax ka socdo, isla markaana ka fogaadaan sawirada.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in argigixisada ay weerarro ku qaadi karaan dhammaan gudaha Soomaaliya isla markaana ay afduub ka fulin karaan goob walba Somaliland iyo Soomaaliya ah. Waxa ay argigixasada u hanjabeen reer galbeedka iyo shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya hey’adaha reer galbeedka. Waana hanjabaad ay si joogta ah ula kulmaan reer galbeedka ku sugan gudaha Soomaaliya iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here