Dagaal Culus Oo Ka Qarxay Koonfurta Magaalada Ceerigaabo Iyo Dhimashada Oo Saddex Qof Mareysa Iyo Magacyadda Beelaha Dagaalamaya

0
1420

July 24 2018 (BRA-Ceerigaabo)-Warar xog-ogaal ah hadda soo gaadhay waxaa ay sheegayaan in deegaanka Ceeryaan ee Koonfurta Magalada ceerigaabo isla markaana dhinaca bari kaga beegan deeganka Ceel Afweyn uu saaka dagaal ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada dega.

Iska hor imaadkana saaka labada beelood ka dhex qarxay ayaa waxaa ku dhintey 3 qof inta la og yahay oo labada dhinac-ba sida ay wararku sheegayaan isla markaana waxaa ku dhaawacantey tiro intaas ka badan.

Labadan beelood ayaa kala ah Beesha Biciide (Habar Jeclo) iyo Beesha Muuse Ismaciil (Habaryoonis)

Ilaa hadda lama oga sababat rasmiga ah ee kaliftey in uu dagaalkaasi qarxo balse wararka qaar waxaa ay sheegayaan in khilaaf in muddo ahba soo jiitamaayey uu u dhaxeeyey labadaas beelood.
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here