DEG DEG:- Qarax Gaadhi Oo Hadda Ka Dhacay Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
37

July 21 2018 (BRA-Muqdisho)-Qaraxaan gaadhiga oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay agagaarka taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere gobolkaan Banaadir.

Gaadhi nooca raaxada ah ee Somaalida u taqaano Viller ayaa ku qarxay agagaarka taalada Boondheere,waxana la sheegay in uu ahaa mid gaadhiga qarxay lagu xidhey.

Darawalkii gaariga wadey ayaa geeriyooday, kaas oo qeybta dambe ee jidhkiisa uu qaraxa ka haleelay halka laba qof kale oo midi haweeney tahay isla markaana gaariga la saarnaa ay ku dhaawacmeen – sida ay ku waramayso idaacadda Dalsan ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay gabadh yar oo ku sugneed maqaaxi ku taalla agagaarka goobta gaadhiga uu ku qarxay ee taalada Daljirka Daahsoon.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo shacab farabadan ayaa soo gaadhey goobta uu qaraxa ka dhacay, welina macada waxa ay ahaayeen dadka agariga qaraxa loogu xidhey.

 

Wixii warar ah ee qaraxan ka soo kordha la soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here