Soomaaliya:- Farmaajo Oo Amray In 48 Saac Lagu Furo Waddooyinka Muqdisho.

0
101

July 20 2018 (BRA-Muqdisho)- Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa xalay kullan deg deg ah la qaatay guddiga amniga qaranka, waxaa laga dooday shirka  amaro ay soo saareen guddigu oo ku aadan amniga caasimada iyo dekedda Muqdisho.

Waxaa gudiggu uu falaanqeeyay xaalada amniga ee wadanka , cabashooyinka bulshada ka imanaya ee la xiriira wadooyinka xiran, ugu horayn waxay bogaadiyeen ciidamada amaanka sida ay dhibaatada loo maleegayo uga badbadiyeen , sido kalena waxaa la goaansaday in la furo dhamaan wadooyinka xiran sida jidka soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo wadooyinka kale.

Guddigu waxa ay ku amreen maamulka gobolka Benaadir Wasaaradaha Gaadiidka iyo  Maaliyadda in ay  dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Banaadir.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, si iyadana looga jawaabo cabashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here