Puntland Iyo Somaliland Oo Maxabiis Dagaal Is Dhaafsanaya

0
139

July 20 2018 (BRA-Hargeysa)- Xukumadda Somaliland iyo maamul goboleedka Putland ayaa la filayaa in ay is dhaafsadaan maxaabiis dagaal oo ay ku kala qabsadeed dagaalkii Tuka-raq.

Talaabadan ayaa waxaa ay ka dambaysay ka dib markii Ergo lagu tillmaamay gacsato iskeed ay ku xil-qaantay ay tagtay Garoowe halkaasi oo ay isla garteen Masuuliyiinta Putland in marka hore intaan wax wadda hadal ah la galin lays-dhaafsado maxaabiista dagaal ee labada dhinac kala qabsadeen.

Maxaabiista dagaal ee Somaliland wareejinayso maalinta Salaasada soo socota ayaa gaadhaya 23 Maxbuus halka Putland-na ay soo dhiibayso 3 Maxbuus – Sida ay qoreyso shabakadda wararka ee Hangool oo ay Barigaafrika soo xiganayso.

Maxaabiistan dagaal ayaa noqonaya Maxaabiistii ugu horaysay ee ay is dhaafsadaan Madaxwayne Biixi iyo Cabdiwali Gaas

Lama saadaalin karo in waxii intaas ka dambeeya ay Ergaddan ganacsatada ahi ku guulaysan doonaan in ay nabad ku soo dabaalaan labadan maamul iyo in kale.

Tiradda Maxaabiista ee somaliland ku wareejinayso Putland ayaa la filayaa inay intaasi ka badan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here