”Muuse Biixi Wuu Naga Qariyey In Shirka Brussels Faysal Iyo Cali Khaliif Nooga Qeyb Galeen” Cabdiraxmaan Cirro

0
564

July 20 2018 (BRA-Hargeysa)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Waddani ee Soomaaliland Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin xaalada Somaliland, Shirkii ka dhacay Brussels iyo arrimo kale.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Ciro in shirkii  ka dhacay magaalada Brussels  ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin ka socotay  Somaliland, islamarkaana sheegay in uu gaf ku dhacay xisbiga Kulmiye. Cirro waxa uu ku adkaysatay in xukuumadda Somaliland ay mas’uuliyiin iyada metala ay shirkaasi u dirtay si ay uga qeyb galaan inkasta oo xukuumaddu iyaduna dhankeeda iska fogeysay in ay qeyb ka ahayd shirkaasi oo loo qabtay madaxda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadooda.

”Muuse Biixi wuu naga qariyey in shirka Brussels Faysal iyo Cali Khaliif inooga  qeyb galeen” ayuu yidhi Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland iyada lafteedu dirtay weftigaasi ka qeyb galey shirka. Xubnaha shirkaasi ka qeyb galay ayaa ahaa Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Ucid iyo Pro. Cali Khaliif Galeydh hoggaammiyaha maamulka Khaatumo oo labadooduba la kulmay madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo.

Dhinaca kale Cirro waxa uu dhalliil u jeediyey madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

”….waxaa maanta meeshii ugu hooseesay maraya siyaasada arrimaha dibada Somaliland oo go’doon siyaasiyeed sii galaya maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaya sawirro muujinaya  in Somaliland maqaamkeedu hoos u sii socdo” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga mucaaradka  Soomaaliland ee Cirro.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday  arrimo ku aadan hawada Somaliland , isagoona sheegay in saraakiil ka socda dowladda ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here