Qisada Seefihii Ugu Caansanaa Taariikhda Adduunka

0
145

Seeftu waxey ahaan jirtay hubka ugu caansan taariikhda xilliyadeedii kala duwanaa ee la soo maray, waxey ahayd hubka koowaad ee lagu dagaallamo ee uguna muhiimsanaa, waxaa loo isticmaali jiray weerarka iyo difaaca labadaba, seefta wanaaagsan waxaa laga sameeyaa birta saafiga ah ee ajaayga loo yaqaanno ee aadka u adag. Xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray waxaa jiray seefo caan ahaa oo illaa manta yaalla matxafyada Adduunka.

  1. Sayftii Dul-Fiqaar

Seeftan waxaa iska lahaa Amiir al Mu’miniin Cali Binu Abii Dhaalib “RC”, waxaa u hadiyay oo siiyay Nabi Muxammed N.N.K.H. waa seeftii ugu horreeysay ee Islaamka loo sameeyo. Seeftu hadda waxey taallaa mutxafka “Topkapi Palace” ee gudaha dalka Turkiga.

  1. Seefta Tomoyuki Yamashita

Tomoyuki Yamashita waxa uu ahaa janaraal ka tirsan ciidanka boqortooyada Japan dagaalkii labaad ee Adduunka, waxa uu dagaal ku qaaday jasiiradaha Malaya iyo Singapore ciidankii Ingiriiska ee halkaa joogay waxa uu ku jabiyay 70 maalmood gudahood. Seefta jaranaalkan ayaa la sameeyay inta u dhaxeysay 1640-1680, seeftu hadda waxey taallaa mutxafka ciidan dalka Japan ee West Point Museum.

  1. Seefta todobada farac leh

Seeftan waxaa iska lahaa qoys la oran jiray Pike J, boqortooyo qadiimi ah oo ka dhisneyd koonfur galbeed Kuuriya Qarnigii 4aad, seeftan ayaa waxey ka kooban tahay lix farac, arrinta layaabka leh ayaa ah seeftan looguma talagalin dagaal, waxaa loo sameeyay xafladaha darteed, waxaana la sheegaa iney xambaarsaneyd 6 sirood, seeftan ayaa taalla dalka Japan.

  1. Seeftii William Wallace

Wallace waxa uu ahaa hoggaamiye Scotland u dhashay oo Ingiriiska mucaar ku ahaa, seeftan ayaa William ayaa waxey ahayd xilligii 1270-1305, waxa uu isticmaalay dagaallo kala duwan oo uu Ingiriiska la galay, hadda waxey taalla qeybta xasuusta waddanka ee Sterling.

  1. Seeftii Tizona

Seeftan waxaa iska lahaa hoggaamiye ciidan oo lagu naaneysi jiray “El Cid”, magaciisa waxaa la oran jiray Rodrigo Diaz de Vivar, waxa uu ahaa geesi iyo dagaalyahan caan ah.

  1. Seeftii Naxariista

Waxey ka mid tahay seefaha caanka ah, waxaa la haan jiray boqorkii ugu dambeeyay ee Anglo-Saxon England oo la oran jiray Edward, xilligiisii xukunka waxa uu ku sifoobay fowdo, seeftani waxey ka mid tahay seefaha shanta ah ee caleemo saarka boqotooyada Ingiriiska loo isticmaalo, waa naadir ma la eego xilliga la sameeyay.

Si kastaba, seeftu xilligan aan joogno isticmaalkeeda gebi ahaanba lama wada joojin, ciyaaraha olombikada waxaa jira ciyaar u gaar ah seexafaha oo dadka xariif ku ah ay ku ciyaaraan daafaha kala duwan ee dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here