Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ku Guullaystay Shirkii Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Ceel Afweyn Iyo Mas’uuliyiin Xukuumaddii Hore Ka Tirsan Oo Hagar Daamo Ku Haya Shirkaasi

0
840

“Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Ayaa Dadaal Ugu Jira Sidii Uu Shirkaasi U Burburin Lahaa,Isagoo Adeegsanaya Salaadiin Beeshiisa Ka Tirsan”. Oday Axmed Xuseen Faarax

July 16 2018 (BRA-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa dadaal dheer iyo hawl culus kadib waxa uu shalay ku guulaystay inuu furo shirkii nabadaynta beelaha Walaalaha ee shaqaaqadu dhex martay ee Wada dega Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag, shirkaasi oo ergo culus oo reer Somaliland oo dhan ka socotaa iyo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani ay iskugu tagtay,Waxaanu shirkaasi hadda si hamsami ah uga socdaa Goobta gogosha la dhigay oo la isku soo hor fadhiisiyay labeenta oday dhaqameedka Beelaha Dirirtu dhex martay oo dhawaan gacmaha la isku saari doono.

 

Halgamaa Wasiirka Maxamed Kaahin Axmed oo bilihii ugu dambeeyay ku sugnaa Deegaankaasi shirka nabadayntu ka socdo ayaa si rasmi ah nasiib ugu yeeshay inuu shirkaasi furo kadib culays badan oo siyaasadeed oo kaga imanayay Jihooyin badan oo aan jeclayn inuu shirkaasi furmo oo la heshiisiiyo beelahaasi walaalaha ah,waxa jihooyinkaasi kow ka ah oo dagaal toos ah ku hayay shirkaasi oo aan doonayn inuu midho dhal yeesho Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo doonaya inuu fursad siyaasadeed ku helo Colaada Ceel Afweyn.Sida uu sheegayo Oday Axmed Xuseen Faarax oo ku sugan Deegaanka Ceel Afweyn waxa uu Maxamuud xaashi si uu shirkaasi u burburiyo u soo adeegsaday dhawr jeer Salaadiin ka mid ah Salaadiinta Beeshiisa kuwaasi oo si toos ah looga dareemay shirka dhexdiisa dhaq dhaqaaqooda.

 

Oday Axmed Xuseen Faarax oo Warbaahinta la hadlay Shalay ayaa si nuux nuuxsaday arimahaasi waxaana uu yidhi “Waxaa Illaahay Mahadii ah in Wasiirkeena Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed uu dadaal dheer iyo hawl badan kadib uu ku guulaystay inuu si rasmi ah oo habsami ah u furo shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha ee Ceel Afweyn,waxaan Alle ka baryaynaa inuu Ergada halkaasi iskugu timid ee Reer Somaliland ee sheikh iyo shariifba leh uu ka aqbalo ducadooda oo uu beelahaasi walaaleeyo,halkaasina ay inagaga soo afjaranto colaadaasi, waxaan sidoo kale Mahadnaq halkan uga soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu gogoshan fidiyay, sida xilkasnimada leh ee ugu hawlan yahay sidii uu Colaadaasi u soo afjari lahaa,Nabadna uga dhex dhalin lahaa Beelahaasi walaalaha ah ee Shaydaanku isku diray”.
“waxaa wax laga xumaado ah in Shirkaasi ay hagar daamo ku hayaan Masuuliyiin Magac ku leh Somaliland oo uu kaw ka yahay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi kaasi oo Dadaal Ugu Jira sidii uu Shirkaasi u burburin lahaa,isagoo Adeegsanaya Salaadiin Beeshiisa Ka Tirsan,gaar ahaan xubno ka tirsan Beesha Baciido oo uu ugu horeeyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale,Waa la wada arkayaa,waana wax si cad uga dhex socda goobta, Waxaan Alle ka baryayaa inuu Xaqa garansiiyo,waxaan ugu baaqayaa Maxamuud Xaashi inaanu meeshan oo kale mansab ka raadsan ee uu ku soo biiro nabadayn iyo Dadaalka Daminta Colaada Ceel Afweyn”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Oday Axmed Xusen Faarax oo ka mid ah Oday Dhaqameedka Bariga Magaalada Burco.
Xigasho: Wargeyska Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here