“Somaliland Ma Joogto Shirka Biljimka Ee Lagaga Hadlayo Arrimaha…” Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

0
1048

July 16 2018 (BRA-Brussels)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aanay Somaliland qayb ka ahayn shir magaalada Brusells ee caasimadda Biljimka uga furmaya Soomaaliya iyo dalalka daneeya. Waxa shirka jooga madaxda maamul goboleedada iyo madaxda Federaalka oo Madaxweyne Farmaajo hoggaaminayo.

Danjiraha Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Siciid Fiqi iyo guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Faysal Cali Waraabe shalay ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee dalka Belgiumka.

Warar xog-ogaal ah aanu ka helaynaa shirka ayaa waxa ay sheegayaan in Faysal Cali Waraabe ka qayb-galayo shirkan isaga oo metelaya xukumadda maaddaama uu galangal badan u leeyahay laakiin, lama oga suurta galnimada in uu fadhiisto shir madaxweyne Farmaajo guddoominayo iyo ujeedka laga leeyahay in Faysal ka qayb galo shirkaasi, Halkan hoose kaga boggo warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here