Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo Soo Bandhigay Su’aal Adag Oo Miiska U Saaran Beesha Isaaq

0
90
Pro. Axmed Ismaaciil Samatar

July 13 2018 (BRA-Hargeysa)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Somaliland looga baahan yahay caddaalad wada gaadha bulshada qaybaheeda kana digay qabyaaladda. Waxa uu sheegay in dhawr arrimood haddii lala yimaaddo Somaliland 5 sanno isbedel horumarineed ku samaynayso.

Prof Samatar waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu halganka ololaha kula soo galay caddaalad iyo sinnaan haddana looga fadhiyo wax qaybin qabyaaladda ka madhan.

Waxa uu sheegay in bulshada gobolka Sool marka ay doodaan ay waydiiyaan su’aal aanu jawaabteeda bixin Karin oo fadhida beesha dhexe “Aniga walaalahayga Bariga fog ee Somaliland waanu wada doodna siiba 7-dii sanno ee aan dalka ku soo noqday, waa asalkii Somaliland dadkaasi, marka aanu aad u wada doodno waxay igu yidhaahdan ‘Halkaa Xamar way inooga dhammaatay oo wax inoo yaalla ma jiraan laakiin, Prof Samatarow abtiyaasha(Isaaq) ma laga helaya caddaalad’ dee waa su’aal miiska goor walba taalla ama UCID ahow ama Waddani ahow ama Kulmiye miiskay saaran tahay inta laga meermeerayana way inaga kala daadsanaan,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar.

“Haddii aynu wada jir, karti iyo caddaalad saddexda la inaga helo aniga iga gunta oo aynu inteenan nooli ku dhaqano kuwa aynu dhalnana ku talaalno oo ay noqoto dhaqanka waddanka iyo sida loo xisaabtamayo anigu waxaan qaba 50 sannadood iyo 20 iska daaye shan sannadood in lagu arki doono iyada oo durba Somaliland meel kale martay oo socotay,” Sidaas ayuu yidhi Prof Samatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here