Shirkad Japanese Ah Oo Ganaax Adag Ku Ridday Shaqaale Bilaabay Qadada 3-daqiiqo Ka Hor Xilligii Loogu Talagalay!

0
173

Shirkad Japanese ah ayaa shaqaale ka tirsan ku ganaaxday kadib markii uu xafiiska ka tagay si uu u cunteeyo 3-daqiiqo ka hor xilligii fasaxa qadada.

Sida uu qoray wargeyska “South China Morning Post”, shirkadda biyaha ee raacsan xukuumadda magaalada Kobe, ayaa mid ka mid ah shaqaaleheeda oo 64-sano jir ah ku ganaaxday inuu xafiiska ka tagay 3-daqiiqo ka hor xilliga fasaxa qadada loogu talagalay, waxaa lasoo hordhigay liisiikiisii hore oo loo sheegay in 26-jeer sidaa uu sameeyay muddo 7 bilood ah gudaheed.

Mas’uuliyiinta shirkadda ugu sarsarreeysa oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhaqanka shaqaalaha ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

Mas’uuliyiintu waxey caddeeyeen in shaqaaluhu uu ku xadgudbay qaanuunka adeegga guud, kaas oo shaqaalaha faraya iney “Shaqadooda ilaaliyaan.”

Dhacdadan ayaa imaaneysa bil kadib markii baarlamaanka Japan uu meelmariyay mashruuc sharciyeed oo ka dhan ah saacadaha shaqada ee xilliyada dheer. Kadib markii ay kordheen xaaladaha geerida ee daalka shaqadu uu sababta u yahay.

Si kastaba, dalka Japan ayaa ah dalka kaliya ee adduunka ee aqoonsan in shaqada tirada badan loo dhinto, iyadoo dadka habkaa u dhinta ehelkooda la siiyo magdhow ay dowladdu bixiso.

Xigasho: MaandeeqFM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here