Sidee Booqashooyinku u Saameeyaan Caafimaadka Dadka Waayeelka ah Maalinta Ciidda?

0
146

Maalmaha ciidda waa marka booqashooyinka qoyska ugu badan yihiin, qoyska ayaa ku kulma guriga awoowga iyo ayeeyada ay joogaan si maalinta ciidda ay ula dabaaldagaan, booqashooyinkaas faa’iidooyin caafimaad iyo mid nafsiyan ah ayey u leedahay dadka waayeelka ah.

Dr. Amira Jamil al-Talawi oo ah la-taliye caafimaadka waayeelka iyo sayniska cimrinta ku takhasustay ayaa wargeyska “youm7” ee dalka Masar ka soo baxa u sheegtay, in booqashada dad waayeelka ah ee maalinta ciidda ay si togan(positive) ah u saameyso caafimaadkooda, niyad sarena ay ka helaan xaaladooda nafsi ahaaneedna ay ku hagaagto.

Waxey caddeysay in booqashada qoyska iyo kulanka goob kaliya lagu qaadanayaa uu dib dhigo cudurka Alzheimer-ka ee xasuusta lumiya.

Waxey tilmaantay in qoyska qof waayeel ah oo Alzheimer-ka uu hayo ay waajib ku tahay iney u kaxeeyaan baashaalka ciidda ama goobta uu joogo lagu booqdo si caafimaadkiisu u hagaago iyo si uu u dareemo inuu jiro qof muhiimad gaar ah siinaya.

Dr. Jamal Farwiz oo ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa u sheegay isla jariidada in booqashada qofka waayeelka ah ay kor u qaadayso niyaddiisa, farxadna uu ku dareemo, shaqooyinka kala duwan ee jirkiisuuna ay ku hagaagto, caafimaadka wadnihiisana ay u roon tahay.

Dr. Waxa uu ku talinayaa in maalintaa ku falaadka mobile-ka laga dheeraado si maalin wanaagsan loola qaato dadka waayeelka ah ee waalidka ah.

Xigasho:- MaandeeqFM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here