Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Oo Loo Saameyey Saabuunta Adduunka Ugu Qaalisan [Qiimaheeda]

0
174
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-05-24 15:25:05Z | |

June 11 2018 (BRA-Hargeysa)-Tuulada  Bader Hassoun ee ku taalla Waqooyiga Lubnaan, ayaa waxey soo saartay Saabuunta ugu qaalisan Adduunka oo si gaar ah loogu sameeyay dhaxalsugaha Koowaad ee Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salman.

Sida ay qoreen warbaahinta Lubanaan oo soo xiganeysa Amiir Hassoun oo ah maamulaha cilmi-baarista iyo horumarina tuulada “Bader Hassoun” ayaa yiri: “Saabuuntan waxey ka mid tahay alaab boqortooyo oo sicirkeedu uu gaarayo 50 kun oo dollar.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Alaabtan waxey ka kooban tahay saliid wejiga iyo gacmaha lagu dhaqo, shamboo, cadar meelo gaar ah oo jirka ka mid ah  loogu talaggalay oo 24 saac aan kaa go’ayn.”

Tuulada Bader Hassoun ayaa waxaa ku yaalla warshado gacmeed saabuunta lagu sameeyo, waa warshado ay iska soo dhaxlayeen qoyska Hassoun laga soo bilaabo 1480, waana meesha lagu sameeyo saabuunta ugu qaalisan adduun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here