Waa Kuma Tababaraha Cusub Ee Kooxda Arsenal

0
300

May, 23 2018 (BRA-London)- Tababarihii hore ee PSG iyo Sevilla Unai Emery ayaa si rasmi loogu magacaabay Tababaraha cusub, kaddib 22 sano oo uu shaqada Tababare ee kooxdaas uu hayay Arsene Wenger, kaasoo dhowaan ka tagay kooxda.

Bogga Twitter-ka ee Kooxda Arsenal ayaa lagu shaaciyay in Unai Emery uu yahay Tababaraha cusub ee Kooxda.

Unai Emery ayaa noqday dooqa koowaad ee laga xushay Tababarayaashii u sharaxanaa Kooxda Arsenal inay leyliyaan, waxaana saacadihii u dambeeyay uu ahaa ninka loogu hadal heynta badnaa.

Mikel Arteta oo horay ugu soo ciyaaray Kooxda Arsenal ayaa markii hore loo waday in loo magacaabay, hase ahaatee khibradiisa shaqo ayaa waxaa ka horyimid Maamulka sare ee Kooxda.

Tababare Unai Emery ayaa horay u soo tababaray Kooxda Sevilla, isagoo saddex jeer isku xiga u qaaday Koobka Europe League, sidoo kale waxaa uu soo tababaray oo uu dhowaan ka soo tagay Kooxda PSG oo uu kula guuleystay Horyaalka League 1 iyo labo Koobka Faransiiska iyo kan Super Copa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here