Ruushka Oo Saldhig Millatari Ka Samaysanaya Somaliland

0
1244

April 7, 2018 (BRA-Saylac)-Qormooyin lagu daabacay Joornaalka caalamiga ah ee orientalreview.org iyo SouthFront oo falanqeeya arrimaha caalamka ayaa lagaga faallooday Saldhig Militari oo la sheegay in Ruushku damacsan yahay in uu magaalada Saylac ee Somaliland ka yagleesho.

Warbixinahan ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid marag u ah in Ruushku Afrika dib ugu soo laabtay, islamarkaana mar kale loolan galinayo dawladda Maraykanka oo Saldhig ku leh Jabuuti meel aan ka fogayn magaalada Saylac.

Wararkan ayaa sheegaya in Ruushku diyaar u yahay in uu Somaliland aqoonsi rasmi ah kaga bedesho saldhig weyn oo cirka iyo badda ah, islamarkaana maalgalin ku sameeyo shidaalka Somaliland. Waxa arrimahan kor u sii qaaday socdaal safaaradda Jabuuti ee Ruushku Somaliland ku timid sanadkii dhammaaday ee 2017.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ruushka oo saldhig military ka samaysta Somaliland ay soo celinayso miisaankiisa Afrika, islamarkaana uu dhexdhexaadin doono Somaliland iyo Somalia isaga oo miisaamaya danahiisa oo ay ku jirto dawladda Itoobiya oo aan bad lahayn.
Sidoo kale qorshaha Ruushka waxa lagu macneeyay in uu dhawr shimbirood hal dhagax ku wada dilayo maaddaama uu doonayo in uu Imaaraadka, Itoobiya iyo Soomaalida danahooda ka wada faa’iidaysto, islamarkaana is waafajiyo si uu ula wada shaqeeyo.

Halkan Ka Akhri Warbixintaasi:

The Strategic Implications Of A Possible Russian Base In Somaliland

The Strategic Implications Of A Possible Russian Base In Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here