Xiisaha Isku Aadka Siddeed Dhamaadka Champions League iyo Goorta La Ciyaari Doono.

0
344

Isku Aadka Champions League wareegiisa quarter final-ka ayaa la sameeyay, waxaana si weyn loo wada sugayaa ka tirsan, walow kuwana goor hore lasii qiyaasay kooxaha soo gudbi kara.

Kulamada Real Madrid vs Juvenus iyo Liverpool vs Manchester City – ayaa si weyn isha loogu heyn doonaa, UEFA ayaana xaqiijisay waqtiga rasmiga ah ee la ciyaari doono kulamada wareega quarter final-ka.

Habeen walba waxaa la ciyaari doonaan laba kulan – taasoo ka dhigan habeenka hore ee talaadada ay ciyaari doonaan Juventus oo qaabileysa Los Blancos iyo Sevilla oo marti soori doonta Bayern.

 

Juventus (ITA) v Real Madrid (ESP, holders)

Lugta koowaad waxey isku arki doonaan labada kooxood Allianz 3-ta April, halka lugta labaad ay isku arki doonaan Santiago Bernabeu 11-ka April.

Kulamadii ay horay u kulmeen:

19-jeer ayey horay ugu kulmeen tartanka yurub:

Juventus 8-guul

Real Madrid 9-guul

Laba jeer barbaro.

Sevilla (ESP) v Bayern München (GER)

Lugta koowaad waxey isku arki doonaan labada kooxood Roman Sanchez Puzjan 3-ta April, halka lugta labaad ay isku arki doonaan Allianz Stadium 11-ka April.

Kulamadii ay horay u kulmeen:

Labadaan kooxood waligood kuma kulmin koobka horyaalada yurub.

Barcelona (ESP) v Roma (ITA)

Lugta koowaad waxey isku arki doonaan labada kooxood Camp Nou 4-ta April, halka lugta labaad ay isku arki doonaan Olympico Stadium 10-ka April.

Kulamadii ay horay u kulmeen:

4-jeer ayey horay ugu kulmeen tartanka yurub:

Barcelona 1-guul

Roma 1-guul

Laba jeer barbaro.

Liverpool (ENG) v Manchester City (ENG)

Lugta koowaad waxey isku arki doonaan labada kooxood Anfield 4-ta April, halka lugta labaad ay isku arki doonaan Etihad Stadium 10-ka April.

Kulamadii ay horay u kulmeen:

Labadaan kooxood waligood kuma kulmin koobka horyaalada yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here